3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2017
Dowladda oo shaacisay sawirrada iyo magacyada shaqsiyaad loo qabtay Qaraxii Zoobe


Arbaco, 15, 2017 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa bil kaddib soo bandhigtay baaritaan horu dhac ah oo ku saabsan shaqsiyaadka loo qabtay Qaraxii ka dhacay 14-kii bishii October Isgoyska Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay magacyada shan ruux iyo sawiradooda, kuwaasoo loo heysto inay ku lug lahaayeen qaraxii Isgoyska Zoobe.

Sidoo kale waxaa magacyada iyo sawirada la soo bandhigay ku jira ninkii fuliyay qaraxii gaariga TM ee isku qarxiyay isgoyska Zoobe.

Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa 14ka October ayaa kala ah

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa Qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub Amarka ka yimaado
3. Hassan Aden Isaaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14-ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
5. Abdullahi Abdi Warsame

Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji)

Qaraxii Zoobe ayaa galaaftay nolasha ku dhawaad 400 oo ruux oo muwaadiniin, waxaana uu noqonayaa Qaraxii ugu weynaa ee taariikhda ka dhaca Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/16/2017 12:03 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in maamulku u soo guuro magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

11/15/2017 3:44 PM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Somalida ku nool dalka Denmark ayaa ka qayb-galay kulan balaaran oo looga arinsanayay sidii Cisbitaal dhinaca dhimirka qaabilsan looga furi lahaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiraan.

11/15/2017 8:07 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in hogaamiyaha muddada dheer ee dalka Zimbabwe uu “gurigiisa ku xaniban yahay”, taasi oo muuqata dadaal milatarig ay doonayaan inay xukunka uga tuuraan kadib 37 sano oo uu awoodda haystay.

11/15/2017 6:12 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

11/15/2017 6:00 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL)–Waxaa goor dhaw xilkii wasiirka Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya iska casishay Dr Maryan Qaasim, iyadoo noqoneysa Wasiirkii labaad ee is casila muddo labo bil gudahood.

11/15/2017 4:07 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Gollaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay in mudo Hal Sano ah lagu kordhiyay qaadista cuna qabeynta hubka ee saaran Soomaaliya.

11/15/2017 3:56 AM EST
Arbaco, November 15, 2017 (HOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay in meelo badan sharcigii u yaalay doorashada la jabiyey oo qaarkood Muraaqibiintii xisbiga u joogay laga saaray, halka qaar kalena aanay joogin markii la xisaabinayey.

11/15/2017 1:13 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay ka qeybgallay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarrada Kacdoonka Nabada, ayaa sheegay in muddo 8 bilood ah oo ay wada shaqeynayeen madaxweyne Farmaajo waxba isku khilaafin taasoo uu ku tilmaamay taariikh cusub oo Soomaaliya ku soo korartay sida uu hadalka u dhigay.

11/15/2017 12:51 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka qaarkood ayaa ka qeybgallay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka , iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG,

11/15/2017 12:45 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah maqrabnimadii xalay waxaa ay ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

11/15/2017 12:38 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) - Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

11/15/2017 12:32 AM EST
Arbaco, 15, 2017 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in isbedel balaaran lagu sameynayo qorshaha Amaanka guud ee magaalada Muqdisho, kaddib markii maalmahan ay kordheen weerarada iyo Qaraxyada ururka Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.