Kal-fadhigii 38-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay iyo Gaas oo su’aalo la weydiiyay (Sawirro)


Sabti, Oktoobar 29, 2016 (HOL) — Madxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa Maanta Wakiillada Puntland u furay Gal-fadhigii Soddon iyo Sideedaad, kaasoo ay soo xaadireen 50 xildhibaan uuna Shir-gudoominayay guddoomiyaha wakiillada Puntland oo labada dhinaca ay ka fadhiyeen ku-xigeenadiisa, Xubno ka tirsan Xukuumada Puntland, Taliska Booliska iyo Hay'adaha Garsoorka Puntland.

Madaxwynaha Puntland C/weli Gaas oo khudbad dastuuri ah baarlamaanka u jeediyay, ayaa xusay in xukuumaddiisa wax ka qabtay kobcinta dhaqaalaha, kor u qaadista iskaasha iyo xiriirka caalamiga ah, hawlaha guud, Daaweynta  Xoolaha, Mamnuucista dhuxusha, bacaha iyo xirmaysiga dhulka, Waraabka Beeraha daryeelidda Deegaanka, keenista deeqaha Waxbarashada Gudaha iyo Dibadda, Hormarinta Caafimaadka Deegaannada Laamiga ka baxsan, qalabaynta Isbitaalada, saamaynta laamiyo cusub iyo dib u dhis-ka.

Sidoo kale, C/weli Gaas oo ka hadlay Amniga iyo Abaaraha ka jira Puntland ayaa tilmaamay  in dulaan wajiyo badan lagu soo qaaday Puntland, xilligaan oo ay abaaro darani ka jiraan gobollada Bari, Sanaag, Kar-kaar iyo Nugaal, kuwaasoo u xusay in afartii  xilli roobaad ee ugu dambeeyay aysan wax roob ah helin.

Dhinaca kale, Qaar ka mid xubnaha Wakiilada Puntland ayaa weydiiyay Gaas su’aalo uu uga jawaabay, iyagoo xukuumaddiisa ku dhaliilay inay ku takri-fasho canshuurta dadweynaha iyo inay ka gaabisay Colaadda Toddobaadkii Afaraad ka taagan Gaalkacyo, taasoo ay ku barakaceen 75,000 oo qof oo ay ka mid yihiin 30,000 oo arday iyo qoysas dan-yar ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu Kal-fadhiga 38-aad ee Wakiiladda Puntland uu dhammaaday u duulay Dalka Imaaaadka Carabta oo illaa hadda aan la ogeyn arrimaha uu ugu baxay.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Garoowe,Puntland - Soomaaliya