Liiska musharixiinta aqalka sare ee Hir-shabeelle oo maata la soo saarayo


Sabti, Oktober, 29, 2016 (HOL) --Maanta ayaa lagu waddaa in la soo saaro liiska musharixiinta xubnaha aqalka sare ku matallaya maamulka dhawaantan la dhisay ee Hir-shabeelle, waxaana lagu waddaa in liiska ay ka soo dhax muuqdaan siyaasiyiin ka soo kala jeedda labada gobol.

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle  ku-xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka maamulka ayaa maalmihii ugu danbeeyay mushquul ku ahaa diyaarinta liiska, oo noqon doona sidda la sheegay kan kama danbeysta ah ee xubnaha u sharaxan aqalka sare, iyadoo dhawanna ay u codeyn doonaan xildhibaannada baarlamaanka Hir-shabeelle oo kala saaraya tartamayaasha.

Xubnaha Aqalka sare ee matalaya maamulka Hirshabeelle ayaa ka kooban 8 xubnood, waxaana min afar xubnood u kala qaadanaya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Horay waxaa liiska xubnaha aqalka sare u soo gudbiyay oo soo dhameystiray maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur galbeed, waxaana maamulka Hir-shabeelle uu noqonayaa maamulkii ugu danbeeyay ee soo gudbiya xubnaha uga mid noqonaya aqalka sare.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya