
Sabti, Oktoobar 29, 2016 (HOL) — Wasiir ku xigeenkii hore Gaashaandhigga Dowladdii KMG ahayd ee Somalia, Jen. Maxamed Cali Catoosh, ayaa ka hadlay bixitaanka Ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan deegaanno ka tirsan Soomaaliya.
Jen. Catoosh oo u Warramayay Idaacadda SBS Australia - Laabteeda Af Soomaaliga, ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee haatan Deegaannada Soomaaliya qaarkood ka baxaya ay iyagu markii hore si iskood ah dalka u soo galeen, haddana ay si iskood ah uga baxayaan.
DHAGEYSO: Wareysiga Jen. Catoosh uu kaga hadlay bixitaanka Ciidanka Itoobiya;
Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM iyo kumannaan kale oo aan ka ahayn qayb Hawl-galka Midowga Afrika, balse la sheegay inay qayb ka yihiin la dagaalanka Al-shabaab ayaa billaabay inay isaga baxaan deegaano dhawr ah oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
[email protected]
Melbourne, Australia