Baladweyne: Askari ka tirsan ciidanka Jabuuti oo ku dhaawacmay iska-horimaad maanta dhacay


Jimco, Oktoobar 21, 2016 (HOL) — Inta la og-yahay labo qof ayaa ku dhaawacantay iska-horimaad gellinkii dambe ee Maanta ku dhex-maray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ciidammada Jabuuti iyo Maleeshiyo beeleed hubeysan.

Labada ruux ee dhawaca ah ayaa mid ka mid ah la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada AMISOM ee ka socda Waddanka Jabuuti, halka ruuxa kale uu ka mid ahaa Malleeshiyadii dagaalka ka qeyb-qaadatay.

Iska-horimaadka ayaa yimid, kaddib markii dadka xaafadda Howl-wadaag ka biyo- diideen silig sidda la sheegay ciidammada Jabuuti ku xireen waddo ka baxsan halka ay ku leeyihiin saldhiga militari, iyaga oo sheegay inay sidaa u sameynayaa sababo ammniga la xiriira.

Dhanka kale, Rasaasta ay labadan dhinac isku-adeegsadeed oo muddo kooban soctay, ayaa laga maqlay dhamaanba xaafaddaha magaalada.

Ugu dambeyn, Ma jiro wax war ah oo arrintan ay kasoo saareen saraakiisha ciidanka dalka Jabuut iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
Beledweyne, Soomaaliya