Maxaa kasoo baxay kulankii Dhex-maray Ugaas Xasan iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle?


Jimco, Oktoobar 21, 2016 (HOL) — Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kulan degmada Beledweyne ku dhex-maray madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle ee dhawaan lagu soo dhisan magaalada Jowhar iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Kulanka labada dhinac oo labo jeer dhacay ka hor Salaadii Jimcaha ee maanta kaddib ayaa waxaa dibad joog ka ahaa warbaahinta gudaha oo aan ogolaan inay goob joog ka noqdaan, hasse ahaatee markii uu kulanka soo dhamaaday, waxaa warbaahinta qaybaheeda la hadlay madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

“Ugaaska waa na soo dhaweeyay, qodobo dhowr ah ayaa ka wada-hadalnay, waan isku Af-Garannay wixii aan ka wada-hadalnay, Ugaas Xasan maamulka ma diidana, laakiin Wuxuu xusay inay jirto xuquuq ka maqan gobolka Hiiraan, wax qabadkiina ayaan fiirinayaa ayuu inoo sheegay,” ayuu Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle yiri.

Marka laga soo tago hadal madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw-dhaw Ugaaska, ayaa HOL u sheegay in Wax is Af-garad ah laga gaarin kulammadii dhacay ee dhaxmaray labada dhinac, isla markaana Waxba iska badalin Mowqifkii hore ee Ugaas Xassan.

Ugu dambeyn, Inkastoo Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle uu sidaas Warbaahinta u sheegay haddana ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ku saabsan kulankii uu maanta la qaaday Cali C/llaahi Cosoble, waxaana muuqata in Ugaasku uu ka gaabsanayo warbaahinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]m
Beledweyne, Soomaaliya