AKHRISO: Magacyada iyo Codadkii ay heleen 11-kii xubnood ee Aqalka Sare ee Puntland


Jimco, Oktoobar 21, 2016 (HOL) — Iyadoo shalay ay ka dhacday Xarunta Puntland ee Garoowe Doorashada Xubnaha Maamulkaas ku metelya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa waxaa kasoo baxaay 11-xubinood.

Haddaba, Xubnaha ku guuleystay Doorashadaas ayaa magacyadooda iyo codadkii ay heleen waxay kala ahaayeen sidan:

1. RW Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke oo helay 47-cod, halka musharraxii la tartamayay Aamina Aadan C/llaahi ay heshay 17-cod oo keliya.

2. C/raxmaan Faroole oo helay 59-cod, halka musharraxii la tartamay uu ka helay shan cod oo keliya.

3. C/risaaq Xasan Cismaan [Juurille] oo helay 33-cod, halka musharraxii la tartamayay uu ka helay 32-cod.

4. Farxaan Cali Xuseen oo helay 36-cod, halka musharraxii la tartamay oo ah Cali Ismaaciil Cabdi Giir uu ka helay 29-cod.

5. C/salaan Xaaji Maxamuud oo helay 40-cod, halka musharraxii la tartamay uu ka helay 25-cod

6. Mahad Sheekh Nuur oo helay 36-cod halka musharraxii la tartamayay ee C/xakiin Axmed Xaashi uu ka helay 29-cod

7. Hodan Maxamuud Cismaan oo heshay 5-cod, halka musharraxii kursiga kula tartantay ee Basra maxamuud Geelle oo ka heshay 30-cod.

8. Bootaan Barre Samatar oo helay 38 cod, halka musharraxii la tartamay oo ahaa Jen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan uu ka helay 27-cod.

9. Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc oo helay 56-cod, halka musharaxii la tartamayay ee Faadumo Siciid Maxamed ay heshay 14-cod oo kaliya.

10. Siciido Xasan Cismaan oo heshay 41-cod, halka xubintii tartanka la galay ee Siciid Maxamuud Aadan uu ka helay 23-cod.

11. Shukri Aadan Maxamed oo heshay 38-cod halka musharraxii la tartamay ee Saynab Xaashi Biixi ay ka heshay 24 Cod.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa waxay noqotay maamulkii ugu dambeeyay ee soo gudbaha Xubnihiisa Aqalka Ssare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaana horay u soo Gudbiyay xubnahooda  maamullada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya