SAWIRRO: 97 Qof oo USA degen oo Abaal-marin u Helay Ramadaankaan Gudashada CUMRADA

Isniin, Juun 13, 2016 (HOL) — Bishii May ee Sannadkaan, ayaa Tartan Qur’aanka ah lagu qabtay Masajidka Karmel ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Tartankaas oo ay ka qayb-qaateen arday ka kala yimid qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka oo 247 ay tiradoodu ahayd, waxaana ardaydii tartankaan ku guuleystay ay u kicitimeen Sucuudiga, tasoo ay Abaal-marin u heleen. Ardaydaan, Waaliddiintooda iyo Macallimiintooda.

Haddaba, 97-ruux ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Minneapolis /St Paul, iyaga oo u socda magaalooyinka barakaysan ee Mecca iyo Madina iyaga oo nasiib u yeeshay inay soo gutaan Cumro iyada oo lagu jiro bishan Ramadaanka.

Ardaydan iyo Waalidiintooda baxaya, ayaa waxay ka kala yimaadeen Gobollada kala ah; Minnesota, Nashville, Illinois, Taxes, Maryland iyo Atlanta oo dhammaantood ka tirsan Dalka Mareykanka.

Haddaba, ardadan u dhoofaysa magaalada Mecca ayaa ku sii hakanaysa magaalada Dooxa ee Dalka Qadar Halkaasoo ay kula kulmi doonaan, Sh. C/rashiid Sh. Cali Suufi. Kaddibna waxay u sii gudbi doonaan Cumrada. Ardadaan ayaanu Waydiinay dareenkooda; waxayna noo sheegeen inay ku faraxsan yihiin in loo fuliyay ballan-qaadkii oo ay maanta u socdaan Dhulkii barakaysnaa iyagoo mahad u celiyay waalidkood, Macalimiintooda iyo Maamulka Masjidka Karmel.


Dhanka kale, Maamulaha tartanka Sh. Xasan ayaa HOL u sheegay in ujeedada Tartankaan iyo Cimradaba ay tahay in la wayneeyo Qur’aanka Alle, waa Ujeeddada Koowaad, Midda labaadna waxuu ku sheegay, maadaama aan qurbo ku Nool nahay Waana in Carruurta iyo Dhallinyarada oo dhan la jeclaysiiyaa Qur’aanka ALLE ku dadaalaan inay ku tartamaan oo ay guulo ka gaaraan.

Sheekh Xasan ayaan Weydiinnay; Cidda Qarashaadkan culus ku bixinaysa 97-qof ee safar u aadaya Saudi Arabia, wuxuuna si ay farxadi ku jirto u yiri Alle ayaan ugu xamdiyay inay bixiyeen Jameecada Masjidka karmel ee Minneapolis kuwaasoo khayrka u taagan.

Ugu Dambeyntii, Dadka baxay - Waxay isagu jiraan Ardaydii Tartankaan ku Guulaysatay, Waaliddiintood Macalimiintoodii, Culumaa’uddiin waaweyn sida Sheekh Waliid, Sh Jabril Imaamka Masjidka Karmel iyo Sheekh Sacad Muse, Waxaa iyaguna ku jiray Xubno gacan ka gaystay tartanka iyo Bahda Saxaafada iyo Odayaal si xushamada loogu daray safarkaan Cimrada Ramadaanka 2016ka ama Hijri ga1437 Ramadaan.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Minneapolis, Minnesota