Isniin, Juun 13, 2016 (HOL) — Tartan Ciyaareedkan lagu Maamuusayo Ramadanka oo ay soo Abaabuleen xafiiska hidaha iyo tacliinta ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika iyo Ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka Qayb-galaya Afar kooxood oo ka dhisan magaalada Pretoria.
Ciyaarahan oo ay kooxaha ka qayb-galaya wada ciyaareen xafladdii Furitaanka ahayd ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Kabtanada iyo Maamulayaasha Kooxahan ka Qayb-galaya Tartanka Cayaaraha Ramadaanka.
Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, Xarbi Cabdi Xasan kana mid ahaa Maamulayaasha mid ka mid ah Kooxaha ka Qayb-galaya Tartankaan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu u furmo Tartankan, uuna rajeenayo inuu guul ku dhamaado haddii alle yiraahdo, wuxuuna si gaar ah ugu Mahad-celiyay safaaradda Somalia oo iyadu gacan kasiisay inuu u qabsoomo koob Ciyaareedkan Ramadaanka.
U-qaybsamaha Xafiiska Hiddaha iyo Tacliinta ee Safaaradda Somalia ee Koonfur Afrika, Cabdi Xalane Xirsi oo ka hadlay Furitaanka Tartan Ciyaareedka Ramadaanka Magaalada Pretoria ee Xarunta dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegay inay Cayaaruhu Muhiim u yihiin Dhallinyarada sidii ay isku fahmi lahaayeen, ka Safaaradda ahaana ay garab-taagan yihiin mar walba Wax la Qabashada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.
Ugu dambeyn, Tartan Ciyaareedkan Kubadda Cagta ee lagu maamuusayo bisha Ramadaan ee barakeysan ayaa lagu wadaa inuu dhammaado Daba-yaaqada bishaan Ramadaanka, lana abaalmariyo kooxaha ku guuleysta kaalmaha hore.
Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: [email protected]
Pretoria, Koonfur Afrika



.jpg)


