Guddoomiyaha Degmada Buula-burte oo diidan Wali inuu Xilka Wareejiyo


Isniin, Juun 13, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, Cabdicasiis Duuroow, ayaa wali ka biyo diiddan Xil-ka-qaadis ay ku sameysay Wasaarada Arrimaha Gudaha & Federaalka DFS, kaddib markiii maamulka degmada loo magacaabay guddoomiye cusub.

Madax ka tirsan maamulka heer gobol oo halkaa u tagay kala wareejinta xilalka maamulkii hore iyo mas'uuliyiinta cusub ee la soo magacaabay ayaan wali qorshahooda ku Guuleysan, madaama guddoomiyaha Xilka laga qaaday ka soo Hor-jeestay in uu soo Xaadiro Xafladda xil wareejinta.

Sarkaal ka tirsan maamulka dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa HOL u sheegay in maalinta barri ah loo balansan yahay kala wareejinta xilalka.

Warar soo baxaya, ayaa intaas ku daraya in Ciidanka Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ku war-galiyeen Guddoomiyihii hore inuu baneeyo xarunta Maamulka degmada isla markaana uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub.

Magaalada Buula-burte - oo ka mid ah deegaannada gobolka Hiiraan ee Sanad ka hor laga saaray Al-shabaab ayaa waxaa ammnigeeda gacanta ku haya Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Dalka Jabuuti, kuwaa oo Maamulka Gobolka Hiiraan kala shaqeeya nabad-galyada.

Ugu dambeyn, Maamulka Cusub, ayaa marka xilka lagu Wareejiyo looga fadhiyaa wax ka qabashada ammniga degmada iyo Deegaannada hoos-taga oo Qaarkood wali ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Hiiraan Online, News Desk