Madaxweyne Xasan iyo Ergayga AU-da oo si adag u Cambaareeyay Qaraxii ka Dhacay Muqdisho


Axad, December 11, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira, ayaa si adag u Cambaareeyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 20-qof, kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen..

Xasan Sheekh ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid dad badan oo aan waxba galabsan lagu dilay, isagoo Shacabka iyo Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ugu baaqay, inay iska kaashadaan sidii loo cirib-tiri lahaa kooxaha sida gaarka ah u beegsnaya shacabka.

“Ciidamada Amaanka waa inay laba-laabaan dadaalkooda ku aadan sidii shacabka ay uga ilaalin lahaayeen Weerarada Nabad-diidku ay u geysnayaan, Waxaana ku Ammaanayaan Ciidamada Ammaanka DF Qaraxyadii dhawrka ahaa ee ay horay uga hortageen,” ayuu yiri Madaxeyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Danjire Francisco Madeira oo ka hadlay Qaraxa ayaa isaguna sheegay in weerarkaas uu ahaa mid dad aad u badan waxyeello loogu geystay.

“Weerar ula-kac ah oo dhan ka ah Shacabka Noloshooda Raacdeynaya kaliya ma ahan ee wuxuu ahaa Fal Wuxuush-nimo ah, wuxuuna caddeynayaa tix-gelin la’aanta Al-shabaab ee nolosha bani’aadamka,” ayuu yiri Danjiraha oo intaas ku daray. “Falalka ay Al-shabaab ku kacayso sida; Curyaaminta iyo Jarista nolosha Muwaaddiniin rayid ah iyo ka hor-istaagga xaqooda ah inay noloshooda u maareeyaan si xor ah oo nabdoon oo ay kalsooni ku jirto. Al-Shabaab, waxay si quus leh ugu Dadaaleysaa inay Muuqato kaddib markii AMISOM iyo ciidamada Amniga Somalia ay si wayn uga hor tageen inay ka dhabayso go’aankeedii ahaa inay carqaladayso doorashooyinka oo haatan gabagabo ku dhaw.”

Dhanka kale, Danjire Madeira ayaa xusay inuu ku baaqayo Feejignaan, wuxuuna shacabka ku boorriyay inay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada Amniga Somalia iyo kuwa AMISOM si ay u Aqoonsadaan una joojiyaan kooxaha dhibaatada geysanaya, Maadaama ay Wadiiqo kasta oo ay Awoodaan Is-ticmaalayaan, si ay u sii wadaan Curyaaminta, Argagax-galinta, Dilka iyo sumcad ridista hannaanka doorashada oo ka dhigan dhacdo horumar taariikhi ah ee dadaallada dib u heshiisiinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya