Axad, December, 11, 2016 (HOL) - Qaramada Midoobay,Midowga Africa, IGAD, Itoobiya, Italy,Sweden,The United Kingdon iyo Maraykanka ayaa walaac xoog leh ka muujiyay doorasho shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle taasoo uu ku guuleystey Musharax hore loogaga joojiyay inuu ka qeybgalo doorashada.
Guddiga doorashooyinka dadban ayaa qoraal uu soo saaray dhowaan waxaa uu ka joojiyay in ay doorashada kursiga beesha Jidle ka qeybgalaan Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux iyo Axmed Shiikh Nuur kadib markii lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen fadqalalo ka dhacday gudaha xarunta doorashada iyo banaankeeda taasoo ay ku dhaawacmeen dhowr ruux.
“Qabashada doorashada shalay ka dhacday magaalada Jowhar waxa ay ka soo horjeedaa qoraal ka soo baxay 7dii bishan guddiga doorashada dadban ee heer federal taasoo si toos ah loogu direy guddiga doorashada dadban ee heer dowlad goboleed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble iyadoo lagu cadeeyay in laga joojiyay doorashada Aqalka Hoose ee kursiga beesha Jidle Maxamed Cabdulaahi Xasan iyo Axmed Shiikh Nuur.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Beesha caalamka ayaa ku tilmaantay doorashadii ka dhacday Jowhar gaar ahaan kursiga Jidle waxa uu jebinayaa sharciyada doorashada 2016, iyadoo weliba sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadii uu ku soo baxay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dalka Soomaaliya Nuux ayna taageersan yihiin go’aanka ay ka gaareen guddiga doorashada.
“Codbixinta ka dhacday Jowhar waa mid dhibaatadeeda leh,hadii wixii ka soo baxay la oggolaado iyo arrimo kale oo khilaafku ka taagan yahay waxa ay wax u dhimayaan xalaal ahaanshaha doorashada oo dhan.”ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating.
Sidoo kale danjire Keating ayaa sheegay in qof walba oo isku daya inuu ku xadgudbo sharciyada doorashooyinka oo ay guddiga doorashooyinka ogaadaan waa in loo qabtaa xadgudubka ay ku kaceen.
Ugu danbeyntii, danjiraha xog-hayaha guud ee QM ee Soomaaliya Keating ayaa sheegay in Sidoo kale uu soo dhaweynayo go’aan ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD oo shirk u yeeshay Adis ababa,kaas oo lagu amaanay Guddiyada doorashada iyo Xallinta khilaafaadka Soomaaliya oo inta badan maareeyay doorashooyinka ka dhacya Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya