Faah faahin'' khasaaraha dhimashada weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho [Sawiro]
Axad, December, 11, 2016 (HOL) -- Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta waaxda canshuuraha dekeda Muqdisho, waxaa ay dhimashada gaartay ilaa iyo hadda 29 ruux sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliiska.
Col C/qaadir Faarax ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters, in 29 ruux oo u badnaa dad rayid ah ku dhinteen weerarka, halka dhaawaca uu ka badan yahay 50 ruux oo qaarkood ay soo gaareen dhawacyo culus, kuwaa oo la dhigay goobaha caafimaadka Muqdisho.
Afhayeen u hadlay xarrakada Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarka ay la beegsadeen xarun ay lahaayeen ciidammada booliiska oo ku dhaw dekeda Muqdisho, iyaga oo dhinacooda sheegtay in ay ku dileen tiro ka badan inta ay xaqiijinayaan laamaha amniga dowladda.
Weerarka saakay ka dhacay naxaawiga dekeda Muqdisho ayaa imanaya xili siddoo kale weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu bartilmaameedsaday maalintii shalay barkootarool oo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen meel dulleedka ka ah Ex Koontarool Afgooye.
Weeraradan oo dhan ayaa dhacaya xili qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka soconayaan doorashooyinkii xubnaha aqalka hoose iyo sare.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
More News
- Maamulka gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigay qaar ka mid ah dadka dhuxusha shida
- Madaxweyne Xasan iyo Ergayga AU-da oo si adag u Cambaareeyay Qaraxii ka Dhacay Muqdisho
- Beesha caalamaka oo walaac xooggan ka muujisay qabashada doorashada Aqalka Hoose ee HirShabelle
- AKHRISO: Magacyada 11-kii Xubnood ee kusoo baxay Doorashadii Aqalka Hoose ee Puntland
- Ra'iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya oo maanta gaaray Kismaayo
- Beesha caalamka oo si adag uga hadashay doorashadii shallay ka dhacday magaalada Jowhar
- Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Isgaadhsiinta ku Armay inay joojiyaan Baahinta Xayeysiisyada
- Munaasabad lagu Xusayay Dhalashada Nebigeenna Muxammed NNKH oo lagu Qabtay Hargeysa
- XAGLO-TOOSIYE: Waxaa la joojiyay Xayeysiinta Caafimaad ee lagu Baahiyo Warbaahinta iyo..,
- Guddiga doorashada heer federaal oo diiday natiijada doorashadii Wasiir Nuux
- Ilaa 29 qof oo ku dhintay qaraxyo Istanbul Turkiga
- Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Puntand oo Maanta dib uga billaabatay Degmada Garoowe
- Ilaa 40 qof oo dhintay kadib markii booyad shidaal ay qaraxday dalka Kenya
- Guddiga Doorashada Dadban ee 2016-ka oo ka hadlay Doorashadii Shalay ka dhacay Jowhar
- FAAHFAAHIN: Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Saaka ka Dhacay Xarunta Laanta Canshuuraha
- Qarax weyn oo goor dhaw laga maqlay meel aan ka fogeyn dekeda Muqdisho







