5/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Ergay cusub u soo Magacowday Arrimaha Somalia iyo AMISOM


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacowday wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.

Ergaygan cusub ayaa bedeli doona ergaygii hore ee Midowga Afrika ee arrimaha Somalia iyo howlgalka AMISOM danjire Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger, kaasoo la sheegay in howshiisii Somalia ay dhammaatay.

Danjire Madeira ayaa tan iyo sannadkii 2010-kii ka shaqeynayay ururka Midowga Afrika, isagoo ahaa wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee isku-xirka ka hortaga argagaxisada, musuq-maasuqa iyo agaasimaha xarunta Afrika ee magaalada Al-jersi ee daraasaadka iyo cilmi-baarista arrimaha argagaxisada oo loosoo gaabiyo [ACSRT].

Sidoo kale, Francisco Madeira ayaa soo noqday danjiraha Mozambique waddamo ka tirsan Qaaradda Afrika intii u dhexeysay 1984-kii - 1989-kii iyo la-taliyaha madaxweynihii dalka Mozambique.

Wakiilku wuxuu kaloo ka mid noqday xubnihii ka qayb-qaatay wadahadalladii ka dhacay Roma ee RENAMO oo lagu saxiixay heshiiskii nabaadeed ee dalkiisa Mozambique bishii Ogoosto 1992-kii. Wuxuuna sidoo kale kasoo qabtay dalkiisa xilal wasiirnimo kuwaasoo ay ka mid yihiin, wasiirka xiriirka xafiiska madaxweynaha iyo baarlamaanka waddankiisa. Isagoo intii u dhexeysay 2000 illaa 2010-kii soo noqday wasiirka xafiiska wasiirka xafiiska madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Danjire Francisco ayaa wuxuu kaloo ka qaybgalay dhowr geedi-socod nabadeed ee Afrika, isagoo ahaa ergaygii gaarka ah ee dowladda Mozambique ee gobolka harooyinka waaeyn. Wuxuu xubin ka ahaa heshiiskii dhexdhexaadinta ee wadanka Burundi, isagoo soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Qaranka Mozambique intii u u dhexeysay Jan, 2005-kii illaa Jan, 2010-kii.

Magacaabidda ergaygan cusub ee Midowga Afrika u qaabilsanaan doona arrimaha Somalia ayaa kusoo beegmaysa iyadoo lagu wado in ay Somalia ka dhacdo doorasho sannadka soo socda ee 2016-ka; taasoo howsheedu ay hadda socoto.

Dhanka kale, danjiraha cusub ayay howshiidu noqon doontaa inuu wada-shaqeyn dhow la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu si dhow ula shaqeyn doonaan urur-goboleedka IGAD, xafiiska QM ee Somalia [UNSOM], Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska oo dhammaantood kaalin ku leh howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM].

Guddoomiyaha guddiga guud ee Ururka Midowga Afrika, Dlamini-Zuma ayaa uga mahad-celisay ergaygii hore danjire, Maman S. Sidikou howshii wanaagsanayd ee uu qabtay intii uu xilka haya, kuwaasoo ay ka xustay horumarrada dhanka la-dagaallanka Al-shabaab iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Somalia, iyadoo ugu baaqday ergayga cusub ee Midowga Afrika inuu la yimaado hawl-karnimo uuna howsha kasii wado halka uu keenay danjire Sidikou.

Ugu dambeyn, danjire Francisco Madeira ayaa ku dhashay 04-tii Abriil, 1954, magaalada Beira ee dalka Mozambique . Isagoo haysta shahaado Diploma ah oo xiriirka calaamiga ah oo uu ka qaatay xarunta xiriirka caalamiga ah ee magaalada Dar-es-Salaam ee Tanzania & shahaado sare oo uu ka qaatay jaamacadda sharciga ee magaalada Maputo ee xarunta dalka Mozambique.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/7/2015 12:36 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay inaysan marna aysan ka qayb-geli doonin kulanka looga xaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia ee maanta uu dib u dhaca ku yimid.

10/7/2015 11:38 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Si wanaagsan ayaan Online-ka ugu daawaday Dood-wadaag uu fahamkeygu yahay inuu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya.

10/7/2015 11:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kulan hal-ku-dhig looga dhigay nabad iyo barwaaqo ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaasoo ay kasoo qayb-galeen inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

10/7/2015 10:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laacibka Mame Diouf oo u ciyaara kooxda Stoke ee Ingiriiska ayaa la sheegay inay hooyadii ku geeriyootay is buurashadii ka dhacday Xajka.

10/7/2015 9:47 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Wariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xirnaa dowladda Somalia ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen.

10/7/2015 9:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Qoriley ku qul-qulayeen waxgarad ayaa waxaa saakay u ambabaxay deegaanka Qoriley, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ah cuqaasha gobolka Sool, si loo joojiyo colaado soo laalaabtay oo deegaankaas ka dhacay.

10/7/2015 8:40 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku suganaa magaalada Nairobi ayaa la kulmay safiirka Talyaaniga ee Somalia, Fabrizio Marcelli, kaasoo madaxweynaha kusoo booqday hoygiisa.

10/7/2015 8:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay si aad ah isku soo tarayeen qeylo dhaanta maamulka iyo shaqaallaha isbitaalka guud ee Beledweyne oo ka cabanaya dawo la'aan soo food saartay, ayaa waxaa hadda muuqata in heer quus ah laga taagan yahay sii socoshada adeegyadii caafimaad ee isbitaalku siin jiray bukaanka.

10/7/2015 8:02 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu dib u billaabanayaan wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Somaaliland.

10/7/2015 7:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xubno ka socday Sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

10/7/2015 7:29 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Shirkii looga xaajoon lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaddib markii ay diideen xildhibaannadii mooshinka keenay

10/7/2015 7:28 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo dhawaan xilka la wareegay ayaa maanta kormeerro uu ugu kuur-galayay xaaladda ciidamada xoogga dalka ku tagay hoggaannada ciidanka xoogga iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnaa goobihii uu booqday, isagoo dhanka kale kulan la qaatay saraakiil ka socota dalka Turkiga; kuwaasoo gacan-siiya taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

10/7/2015 6:37 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laba askari ayaa ku dhintay, labana kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay xilli dambe u geysteen guriga badhasaabka gobolka Awdal koox dabley ah oo aan weli la aqoonsan.

10/7/2015 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ee gacanta ku haya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa xabsiga dhigay ma’suul sheegtay inuu yahay madaxweynaha gobolllada dhexe ee Somalia.

10/7/2015 3:18 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay degmada Wadajir ku toogtay wiil u adeer u yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Cilmi iyo wiil kale oo la socday. waxaana dilkooda si rasmi ah u sheegatay Al-shabaab.

10/7/2015 3:05 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) —Al-shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Somalia, kuwaasoo tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.