4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
DAAWO: Barnaamij loogu magac-daray Nabad & Barwaaqo oo lagu Qabtay Melbourne-Australia


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kulan hal-ku-dhig looga dhigay nabad iyo barwaaqo ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaasoo ay kasoo qayb-galeen inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Waxaa kulankan soo agaasimay laba aqoonyahan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo dhawaan ku tagay Muqdisho booqasho, isla markaana tababbarro la xiriira nabadda soo siiyay ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barta Jaamacadaha Muqdisho ku yaalla.

Dr. Yuusuf Sheekh Cumar iyo Drs. Khadiija Maxamuud Cismaan ayaa waxay labaduba ka gaareen wax-barashada darajada ugu sarreysa ee PhD-ga, iyagoo dalka ka maqnaayeen 22-sanadood, inay Somalia dib ugu laabtaanna waxay ku timid fikir ay isla wadaageen, taasoo ahayd sidii ay tababarro ku saabsan dhanka nabadda u gaarsiin lahaayeen gabi ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Sababta nagu kalliftay barnaamijkan waxay ahayd baahida badan ee aan nabadda u qabno iyo inaan dadkeennna lasoo wadaagi lahayn, maadaama ay Somalia 25-sano ku jiray nabad la’aan, nabadduna waa u muhiim noolaha, waayo waxa dalkeena aan uga soo cararnay waa amni-darro,” ayay tiri Drs. Khadiimo Maxamuud oo sharraxayay barnaamijkan ay wadaan.

Tababarkan la xiriira nabadda ayaa waxay ahaayeen kii ugu horreeyay oo ay ka bixiyaan jaamacadda Muqdisho, iyagoo sheegay in tababarro noocan oo kale ah ay ka bixin doonaan jaamacadaha kale ee ku yaalla Garoowe, Hargeysa iyo sidoo kale magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

DAAWO: Barnaamijka Nabad iyo Barwaaqo ee lagu Qabtay Melbourne, Australia;

“Barnaamijkan nabad iyo barwaaqo ayaa mid aan ku doonayno inaan dadka Soomaaliyeed la wadaagno, waxaana ku faraxsannahay sida ay nooga aqbaleen in ay kasoo qayb-galaan barnaamijkan jaaliyadda Sooamaliyeed ee Ausutralia ku nool. Waxaana noo calaameysan inaan mar kale Somalia ku laabanno oo aan ka bixinno barnaamijyo noocan oo kale ah, sida Baydhabo, Kismaayo iyo kuwo kale oo dalka ku yaalla,” ayuu yiri, Dr. Yuusuf Sheekh Cumar oo isaagna sharraxaad ka bixinayay barnaamijkooda.

Sidoo kale, Dr. Yuusuf Sheekh ayaa xusay in barnaamijkan uu yahay mid ay Soomaalidu leedahay, iyaguna aysan wax dhaqaale ah ku weydiisan cid kale oo ka baxsan shacabka Somaaliyeed. Isagoo rajeeyay inuu wax badan u tari doono Soomaalida.

Aqoon-yahannadan Soomaaliyeed ayaa waxay kulankan kusoo bandhigeen wixii ay kasoo qabteen Soomaaliya, iyadoo labaduba ay shahaada sare ee PhD-ga ku soo kala diyaariyeen magaalada Melbourne, Australia iyo London, UK.

Ugu dabmeyn, waxaa iyaguna kulanka ka hadlay qaar ka mid ah dadkii kasoo qayb-galay oo bogaadiyay barnaamijka, waxaana mid ka mid ah uu yiri. “Diinteenna Islaamka ee aanu haysanno oo ah mid qiimo badan wuxuu ALLE ku magacaabay ‘Assalaam’ oo ah nabad. Amniguna waa la mid, waayo la’aantood ma suuro-galayso in la helo nolol dhameystiran.”

Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia