Xubno ka socday Sanduuqa Xasilinta Somalia ee SSF oo Maanta soo gaaray Kismaayo (SAWIRRO)
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xubno ka socday Sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.
Xubnahan ayaa goobaha ay booqdeen waxaa kamid ah xarunta telefishinka dowladda Jubbaland, xarunta rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ee JCCI iyo weliba xarunta sameynta aqoonsiyada sharciga ah ee Smart Technology ee magaalada Kismaayo.
Xubnaha ayaa waxaa wehlinayay gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ee JCCI, waxayn soo mareen dhammaan xafiisyada ay ka koobantahay rugta, iyagoo warbixinno ka dhageystay masuuliyiinta ka howlgala xafiisyadaasi.
Intaa kadib waxa ay xubnahani booqdeen xafiisyada uu leeyahay telefishinka Jubbaland, iyagoo warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Tv-ga ka dhageystay C/naasir Saxansoxo oo ah agaasimaha Idaacadda la iska arko ee Jubbaland.
Sanduuqa Somali Stability Fund ayaa ah Sanduuq ay dhaqaale ku biiriyaan deeq bixiyeyaal badan oo caalami ah, kaa oo Soomaaliya ka taageera arimaha la xiriira nabadda iyo xasiloonida dalka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Ergay cusub u soo Magacowday Arrimaha Somalia iyo AMISOM
- GOODAX: Marnaba kama Qayb-gelayno Shirka looga Hadalyo Mooshinka Madaxweynaha DF
- YUUSUF GARAAD: Maxaan ka baran karnaa xarigga Wariyeyaasha?
- DAAWO: Barnaamij loogu magac-daray Nabad & Barwaaqo oo lagu Qabtay Melbourne-Australia
- Ciyaaryahan u Ciyaara Kooxda Stoke oo hooyadii ay ku geeriyootay Is-buur-buurashadii XAJKA
- Wariyeyaashii Xirnaa ee Universal TV C/llaahi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad oo lasii daayay
- Cuqaal iyo Waxgarad ku Qul-qulaya Deegaanka Qoriley oo ay Taallo Gogol Nabadeed
- Xukuumadda Talyaaniga oo Ballan-qaadyo u samaysay Maamulka Puntland (SAWIRRO)
- WARBXIN: Isbitaalka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo Qarka u Saaran inuu Xirmo
- Xukuumadda Somalia oo sheegay inay billaaban doonaan Wadahadalkii ay kula jirtay Somaliland
- Dib u dhac ku yimid Kulankii looga Hadli lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia
- Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Maanta Kormeeray Hoggaannada Ciidamada Dalka (SAWIRRO)
- Dabley Weerartay Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal iyo khasaarihii ka dhashay Weerarkaas
- Ahlusunna oo xabsiga dhigtay Mas’uul sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Gobollada Dhexe
- Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay laba qof oo midkood uu Adeer u ahaa Madaxweyaha DF
- SH. CALI DHEERE: Ciidamada Britain haddii ay Somalia yimaadaan waan la Dagaallamaynaa