5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
GOODAX: Marnaba kama Qayb-gelayno Shirka looga Hadalyo Mooshinka Madaxweynaha DF


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay inaysan marna aysan ka qayb-geli doonin kulanka looga xaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia ee maanta uu dib u dhaca ku yimid.

Mudane C/llaahi Goodax ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inuu hareer-maray sharciga, isla markaana uu adeegsnayo awood uusan lahayn.

“Shirka uu guddoomiyaha baarlamaanku ku baaqay kama qeyb-gali doonno, dabcan waxay ku saleysan tahay in la aqbalo, haddaan-nahay xubnihii keenay mooshinka xil-ka-qaadista madaxweyne Xasan waa diidnay, waxaana ku sababeynay in guddoomiyaha uusan xaq u lahayn inuu mooshinka soo af-jaro,” ayuu yiri xildhibaan C/llaahi Goodax.

Xildhibaan Goodax ayaa intaas ku daray in mooshinka uu kusoo af-jarmi karo labo arrin oo kala ah; In maxkamad awood u leh loo gudbiyo iyo inay diiddo maxkamaddu mooshinka ama in maxkamadda inta ay u soo gudbiso baarlamaanka oo codkii loo baahnaa loo waayo.

“Wuxuu mooshinka kusoo af-jarmi karaa labo arrin oo kala ah; in maxkamadda awoodda u leh loo gudbiyo, maxkamadda ay tiraahdo mooshinkan sal ma lahan iyo in maxkamadda ay kusoo celiso baarlamaanka. Baarlamaanka markaas loo waayo saddax dalool laba daloo oo cod ah loo waayo, labadaa arrimood ayuu ku af-jarmi karaa mooshinka ee guddoomiyaha marnaba awood uma lahan inuu soo af-jaro mooshinka, meesha uu ka keenay isaga ayaa yaqaanna,” ayuu Goodax ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu xusay inay rajeynayaan inuu mooshinkoodu ku dambeyn doono maxkamad, maadaama hantidii ummadda Soomaaliyeed la lunsaday buu yiri, taasoo uu xusay in xataa haddii madaxweynaha uu xilka ka dego ay daba socon doonaan oo aysan ka harayn.

 “Mooshinku wuxuu ku dambeyn doonaa maxakamad, hantida ummadda ayaa la lunsaday, waana qaan aan harayn, xitaa haddii uu madaxweynuhu xilka ka dago waanu daba socon doonnaa, inta hantida ummadda Soomaaliyeed la dhacdo, haddana la iska tago waqtigeedii wuu soo dhamaaday,” ayuu mar kale yiri xildhibaan C/llaahi Goodax.

Ugu dambeyn, hadalka mudanahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu maanta dib u dhac ku yimid shir looga hadli lahaa mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la sheegay inuu shirkku dib u furmi doono 10-ka bishan Oktoobar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya