3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
YUUSUF GARAAD: Maxaan ka baran karnaa xarigga Wariyeyaasha?


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Si wanaagsan ayaan Online-ka ugu daawaday Dood-wadaag uu fahamkeygu yahay inuu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya.

Barnaamijka marka aan qiimeeyo aniga oo weliba ku eegaya il cillad raadis ah, wuxuu yeelan karaa laba dhaliil. Cilladahaasi waxay yihiin in Barnaamijka lagu marti qaaday laba Xildhibaan oo isku ra’yi ah inta badan, marka ay kala ra’yi duwan yihiinna aad isugu ra’yi dhow.

Waxay ahayd in mid uun la soo fariisiyo oo ay dadku s’uaalo weydiiyaan. Waxaase ka sii qurux badnayd in la keeno laba xildhibaan oo kala aragti iyo mowqif duwan si ay dood u noqoto oo dhinac kasta arrinta looga eego.

Dhaliisha labaad waxay tahay in barnaamijku uu si dadban u dhiiri-gelinayay dhallinyarada inay kacaan oo dagaal ama ugu yaraan ay farasaar ku dhaqaaqaan.

Khaladdaadkaas waxaa xallin karay soo saaraha iyo Tifatiraha Barnaamijka ama midkood. Ma ugu talo galeen inaanay sixin mise wey ka hoos baxday? Taa anigu kama jawaabi karo.

Si kastaba ha ahaatee, anigu ma arko sida ay xal u noqoneyso in la xiro weriyayaasha iyo in ciidan lagu dalbado in ay xiraan xafiiska Muqdisho ee TV-ga Universal.

Casharro dhowr ah ayaa laga baran karaa xarigga Cawil iyo Cabdullaahi, isku deyga u qiil dayidda xarigga iyo weliba sii deyntooda.

Casharka Laamaha Dowladda

Saxaafaddu waa xor marka ay sharciga u hoggaansan tahay. Wasaaradda Warfaafintu waa hey’adda Dowladda u qaabbilsan Warbaahin oo dhan. Laamaha kale ee Dowladda oo dhan waa in ay iyadu ka xigsataa weriyayaasha. Taas macnaheedu ma ahan in weriyayaasha laga deynayo u hoggaansanaanta sharciga. Laakiin waa in ay iyadu taas xaqiijisaa. Waa in ay ruqsadda bixiso, digniin bixiso, ganaax soo rogto, wadashaqeynta ka goosato, shatiga la noqoto iwm.

Haddii ay u taag weydana iyada oo sharciga mareysa sida Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha waa inay la kaashataa ciidanka oo ay haboon tahay in ay ahaadaan booliiska. Marka la arko Nabadsugid iyo weriyayaal qoorta iskula jira, su’aashu waxay noqoneysaa – miyaan Dowladdu lahayn hey’ad Warbaahinta u qaabbilsan oo rayid ah?

Tan kale, tallaabadani waxay lid ku tahay kalsoonida ay saxaafaddu ku qabi karto dalka. Saxaafadda shisheeye iyo midda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ka shaqeysaa kuma soo dhiirran kari doonto in ay dalka u soo guuraan ama ay ka dhistaan Istuudiyayaal waaweyn.

Ogowna, sharikad kasta oo dooneysa in ay dalka soo degto dadka ugu horreeya ee ay dalka ka wareysato waxaa ka mid ah weriayayaasha iyo diiblomaasiyiinta.

Ugu dambeyn Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed ma ahan in lagu xadgudbo, oo marka la dhibsadoba la xiro iyada oo aan sharciga la eegin. Ayaan ka dibna la sii daayo.

Saxaafad xor ah, mar kasta wey ka careysiisaa Dowladaha, laakiin qaanuun ayay ku dhisan tahay oo daafac.

Casharka Saxaafadda

Inkastoo aanay marinkeeda ahayn, oo la rabay in warfaafintu ay shaqadaas qabsato, hadana NISA waxay soo jeedisay eedeymo culculus oo ku wajahan Saxaafadda guud ahaanba. NISA caddeyn ma soo raacin, laakiin weriyayaasha qaarkood iyo idaacadaha iyo baraha Internetka qaarkood dadka ka shaqeeya ama la macaamilay iyo weliba dadweynaha qaarkiis way og-yihiin inay saxaafada ku jiraan qaar ku dhaqma si aan waafaqsaneyn anshaxa saxaafadda.

Bahda saxaafadda, waxaa la gudboon in ay fahmaan in inkasta oo weli ay sharci darro iyo xad gudubyo ka jiraan dalkeenna, in haddana uu dalku ku sii luudayo dhinaca sharciga. Marka waa in ay isbeddelkaas la jaanqaadaan.

Taas macnaheedu ma ahan in ay ka gaabsadaan khaladdaadka Dowladda am acid kale ay ka galeyso dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waa in ay ka hadlaan welibana ay tooshka ku ifiyaan ciddii xad gudub wadda. Laakiin taas waa in ay sameeyaan iyaga oo xaqiijinaya in barnaamijyadoodu uu dheelli tiran yihiin, ujeedada barnaamijkuna ay tahay in wax la saxo ee aanay ahayn in qof ama hey’ad lagula diriro ama looga aargoosto.

Taas macnaheedu ma ahan in eedeynta NISA ay sax tahay. Laakiin waa in saxaafddu ay isa saxdaa, si mar kasta oo la qabto ay u noqoto in laga gardaran yahay.

Casharka Inta caddaaladda jecel

Dad badan oo ka qeyliyay xarigga labada weriye waxaan ku dhiirri gelinayaa in mar kasta oo muwaaddin la xiro, ay u kuur galaan isla markaana ay ka qeyb qaataan in muwaaddinka xuquuqdiisa la sugo lana marsiiyo waxa uu sharcigu qabo.

Ugu dambeyn, Intii ruux sharci-darro ku xiran laga aammusi lahaa, waxaan ka door bidi lahaa in laga qeyliyo qof kasta oo xariggiisa uu shaki ku jiro in uu sharciga waafaqsan yahay. Waayo Dowladdu haddii ay qiil sharci ah u haysato xarigga, qeylo waxba kama dhibeyso.

Qoraa: Yuusuf Garaad Cumar Axmed
Riix -
Yusuf-garaad-blogspot













Click here
10/7/2015 1:30 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacowday wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.

10/7/2015 12:36 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay inaysan marna aysan ka qayb-geli doonin kulanka looga xaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia ee maanta uu dib u dhaca ku yimid.

10/7/2015 11:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kulan hal-ku-dhig looga dhigay nabad iyo barwaaqo ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaasoo ay kasoo qayb-galeen inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

10/7/2015 10:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laacibka Mame Diouf oo u ciyaara kooxda Stoke ee Ingiriiska ayaa la sheegay inay hooyadii ku geeriyootay is buurashadii ka dhacday Xajka.

10/7/2015 9:47 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Wariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xirnaa dowladda Somalia ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen.

10/7/2015 9:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Qoriley ku qul-qulayeen waxgarad ayaa waxaa saakay u ambabaxay deegaanka Qoriley, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ah cuqaasha gobolka Sool, si loo joojiyo colaado soo laalaabtay oo deegaankaas ka dhacay.

10/7/2015 8:40 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku suganaa magaalada Nairobi ayaa la kulmay safiirka Talyaaniga ee Somalia, Fabrizio Marcelli, kaasoo madaxweynaha kusoo booqday hoygiisa.

10/7/2015 8:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay si aad ah isku soo tarayeen qeylo dhaanta maamulka iyo shaqaallaha isbitaalka guud ee Beledweyne oo ka cabanaya dawo la'aan soo food saartay, ayaa waxaa hadda muuqata in heer quus ah laga taagan yahay sii socoshada adeegyadii caafimaad ee isbitaalku siin jiray bukaanka.

10/7/2015 8:02 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu dib u billaabanayaan wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Somaaliland.

10/7/2015 7:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xubno ka socday Sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

10/7/2015 7:29 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Shirkii looga xaajoon lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaddib markii ay diideen xildhibaannadii mooshinka keenay

10/7/2015 7:28 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo dhawaan xilka la wareegay ayaa maanta kormeerro uu ugu kuur-galayay xaaladda ciidamada xoogga dalka ku tagay hoggaannada ciidanka xoogga iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnaa goobihii uu booqday, isagoo dhanka kale kulan la qaatay saraakiil ka socota dalka Turkiga; kuwaasoo gacan-siiya taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

10/7/2015 6:37 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laba askari ayaa ku dhintay, labana kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay xilli dambe u geysteen guriga badhasaabka gobolka Awdal koox dabley ah oo aan weli la aqoonsan.

10/7/2015 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ee gacanta ku haya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa xabsiga dhigay ma’suul sheegtay inuu yahay madaxweynaha gobolllada dhexe ee Somalia.

10/7/2015 3:18 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay degmada Wadajir ku toogtay wiil u adeer u yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Cilmi iyo wiil kale oo la socday. waxaana dilkooda si rasmi ah u sheegatay Al-shabaab.

10/7/2015 3:05 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) —Al-shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Somalia, kuwaasoo tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.