6/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
Ciyaaryahan u Ciyaara Kooxda Stoke oo hooyadii ay ku geeriyootay Is-buur-buurashadii XAJKA


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laacibka Mame Diouf oo u ciyaara kooxda Stoke ee Ingiriiska ayaa la sheegay inay hooyadii ku geeriyootay is buurashadii ka dhacday Xajka.

Kooxda Stoke ayaa u tacsiyaysay ciyaaryahankooda. Kooxdu waxay intaas ku dartay inay Diouf siin doonto taageerada muhiimka ah ee uu u baahan yahay inta uu ku jiro waqtigan adag.

Ciyaaryahankan oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Manchester United, wuxuuna afka hore uga dheelaa Qaranka dalkiisa Senegal, isagoo kooxda Stoke ugu biiray si lacag la’aan ah, kaddib markii uu qandaraasku ka dhamaaday bishii toddobaad ee sannadkii hore.

Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dhimashadii bishii hore ka dhacday xajka ay ku naf-waayeen 769-qof, balse saxaafadda caalamka kale iyo weliba siyaasiyiin ajaaniib ah ayaa sheegay inay dhimashadu kor u dhaafayso 1,000 qof.

Ugu dambeyn, qaybta war-qabadka BBC-da ayaa tirada dhimashada gaarsiisay 1,216-qof, iyagoo lagu saleeyay tiradan wararka rasmiga ah iyo warbixinnada warbaahinta ee 34-dal oo dadkoodu ay ku dhinteen is-buurashadaasi.

Xigasho: BBC Somali