5/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
Wariyeyaashii Xirnaa ee Universal TV C/llaahi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad oo lasii daayay


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Wariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xirnaa dowladda Somalia ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen.

Agaasimihii Bariga Afrika ee Universal Tv, C/llaahi Kulmiye Xirsi iyo Cali Daahir Salaad soo saaraha barnaamijka Dood-wadaag oo ahaa sababtii loo xiray ayaa dib xorriyadoodii loo siiyay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysay in lasii daayo labadan wariye, iyadoo dhawaanahan dambe ay soo baxayeen baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayay in lasii daayo wariyeyaashan.

Balse, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kala hadleen sii daynta wariyeyaashan xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Sheekh Cali Daahir, uuna ka ogolaaday in lasii daayo wariyeyaashan,

Sidoo kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in arrinta ku saabsan xildhibaannada ka qayb-galay doodda looga hadli doono baarlamaanka gudihiisa, arrintoodana loo gudbin doono guddiga anshaxa baarlamanka FS.

Wariyeyaashan ayaa muddo lix maalmood ah ku xirnaa xabsiga haya’adda nabad-sugidda Somalia ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, iyadoo weli uu xiran yahay xafiiska Tv-ga Universal ee Muqdisho, kaasoo la xiray 02-dii bishan, markaasoo la xiray labadan wariye.

Dhanka kale, ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed [NUSOJ} oo ka hadlay sii daynta  labadan wariye ayaa sheegay inay soo dhaweeyaan, waxaana xog-hayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim uu ku baaqay in loo fasaxo xafiiska Muqdisho ee Tv-ga inuu howshiisa dib u billaabo.

Ugu dambeyn, sii daynta wariyeyaashan ayaa waxaa warbaahinta qaybaheeda kala duwan u xaqiijisay Naciimo Ciise oo ka tirsan maamulka xafiiska Universal Tv uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/7/2015 1:30 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacowday wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.

10/7/2015 12:36 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay inaysan marna aysan ka qayb-geli doonin kulanka looga xaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia ee maanta uu dib u dhaca ku yimid.

10/7/2015 11:38 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Si wanaagsan ayaan Online-ka ugu daawaday Dood-wadaag uu fahamkeygu yahay inuu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya.

10/7/2015 11:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kulan hal-ku-dhig looga dhigay nabad iyo barwaaqo ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaasoo ay kasoo qayb-galeen inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

10/7/2015 10:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laacibka Mame Diouf oo u ciyaara kooxda Stoke ee Ingiriiska ayaa la sheegay inay hooyadii ku geeriyootay is buurashadii ka dhacday Xajka.

10/7/2015 9:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Qoriley ku qul-qulayeen waxgarad ayaa waxaa saakay u ambabaxay deegaanka Qoriley, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ah cuqaasha gobolka Sool, si loo joojiyo colaado soo laalaabtay oo deegaankaas ka dhacay.

10/7/2015 8:40 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku suganaa magaalada Nairobi ayaa la kulmay safiirka Talyaaniga ee Somalia, Fabrizio Marcelli, kaasoo madaxweynaha kusoo booqday hoygiisa.

10/7/2015 8:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay si aad ah isku soo tarayeen qeylo dhaanta maamulka iyo shaqaallaha isbitaalka guud ee Beledweyne oo ka cabanaya dawo la'aan soo food saartay, ayaa waxaa hadda muuqata in heer quus ah laga taagan yahay sii socoshada adeegyadii caafimaad ee isbitaalku siin jiray bukaanka.

10/7/2015 8:02 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu dib u billaabanayaan wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Somaaliland.

10/7/2015 7:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xubno ka socday Sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

10/7/2015 7:29 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Shirkii looga xaajoon lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaddib markii ay diideen xildhibaannadii mooshinka keenay

10/7/2015 7:28 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo dhawaan xilka la wareegay ayaa maanta kormeerro uu ugu kuur-galayay xaaladda ciidamada xoogga dalka ku tagay hoggaannada ciidanka xoogga iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnaa goobihii uu booqday, isagoo dhanka kale kulan la qaatay saraakiil ka socota dalka Turkiga; kuwaasoo gacan-siiya taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

10/7/2015 6:37 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laba askari ayaa ku dhintay, labana kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay xilli dambe u geysteen guriga badhasaabka gobolka Awdal koox dabley ah oo aan weli la aqoonsan.

10/7/2015 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ee gacanta ku haya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa xabsiga dhigay ma’suul sheegtay inuu yahay madaxweynaha gobolllada dhexe ee Somalia.

10/7/2015 3:18 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay degmada Wadajir ku toogtay wiil u adeer u yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Cilmi iyo wiil kale oo la socday. waxaana dilkooda si rasmi ah u sheegatay Al-shabaab.

10/7/2015 3:05 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) —Al-shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Somalia, kuwaasoo tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.