5/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
Xukuumadda Talyaaniga oo Ballan-qaadyo u samaysay Maamulka Puntland (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo  maalmahan ku suganaa magaalada Nairobi ayaa la kulmay safiirka Talyaaniga ee Somalia, Fabrizio Marcelli, kaasoo madaxweynaha kusoo booqday hoygiisa.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay labada mas'uul kulankooda iskula soo qaadeen arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee Somalia oo la filayo inay ka dhacdo doorasho sanadka dambe.

“Madaxweynuhu waxa uu sharaxaad ka siiyay safiirka mashaariicda ka socda Puntland gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo gaba-gabo ku dhow,“ ayaa lagu yiri war-murtiyeedka ka soo baxay maamulka.

“Waxaa madaxweynuhu uu ka codsaday safiirka in dowladda Talyaaniga ay gacan buuxda ka gaysato tababarada ciidamada Puntland iyo waliba qalabayntooda,“ ayaa mar kale lagu xusay war-saxaafadeedkan oo maanta la soo saaray.

Dowladda Talyaaniga ayaa dhowr jeer oo hore ka hirgalisay Puntland mashaariic uu ka mid yahay Tv-ga Puntland iyo dhismaha dhowr jid oo laga hirgaliyay magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo waliba Gaalkacyo.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa maalmahanba kulammo kala duwan la yeelanayay dublamaasiyiinta dalalka reer galbeedka ah ee Fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inay maamulka Puntland u sameeyeen ballan-qaadyo kala duwan.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]













Click here
10/7/2015 1:30 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacowday wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.

10/7/2015 12:36 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay inaysan marna aysan ka qayb-geli doonin kulanka looga xaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia ee maanta uu dib u dhaca ku yimid.

10/7/2015 11:38 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Si wanaagsan ayaan Online-ka ugu daawaday Dood-wadaag uu fahamkeygu yahay inuu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya.

10/7/2015 11:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kulan hal-ku-dhig looga dhigay nabad iyo barwaaqo ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaasoo ay kasoo qayb-galeen inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

10/7/2015 10:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laacibka Mame Diouf oo u ciyaara kooxda Stoke ee Ingiriiska ayaa la sheegay inay hooyadii ku geeriyootay is buurashadii ka dhacday Xajka.

10/7/2015 9:47 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Wariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xirnaa dowladda Somalia ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen.

10/7/2015 9:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Qoriley ku qul-qulayeen waxgarad ayaa waxaa saakay u ambabaxay deegaanka Qoriley, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ah cuqaasha gobolka Sool, si loo joojiyo colaado soo laalaabtay oo deegaankaas ka dhacay.

10/7/2015 8:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay si aad ah isku soo tarayeen qeylo dhaanta maamulka iyo shaqaallaha isbitaalka guud ee Beledweyne oo ka cabanaya dawo la'aan soo food saartay, ayaa waxaa hadda muuqata in heer quus ah laga taagan yahay sii socoshada adeegyadii caafimaad ee isbitaalku siin jiray bukaanka.

10/7/2015 8:02 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu dib u billaabanayaan wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Somaaliland.

10/7/2015 7:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xubno ka socday Sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

10/7/2015 7:29 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Shirkii looga xaajoon lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaddib markii ay diideen xildhibaannadii mooshinka keenay

10/7/2015 7:28 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo dhawaan xilka la wareegay ayaa maanta kormeerro uu ugu kuur-galayay xaaladda ciidamada xoogga dalka ku tagay hoggaannada ciidanka xoogga iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnaa goobihii uu booqday, isagoo dhanka kale kulan la qaatay saraakiil ka socota dalka Turkiga; kuwaasoo gacan-siiya taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

10/7/2015 6:37 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laba askari ayaa ku dhintay, labana kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay xilli dambe u geysteen guriga badhasaabka gobolka Awdal koox dabley ah oo aan weli la aqoonsan.

10/7/2015 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ee gacanta ku haya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa xabsiga dhigay ma’suul sheegtay inuu yahay madaxweynaha gobolllada dhexe ee Somalia.

10/7/2015 3:18 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay degmada Wadajir ku toogtay wiil u adeer u yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Cilmi iyo wiil kale oo la socday. waxaana dilkooda si rasmi ah u sheegatay Al-shabaab.

10/7/2015 3:05 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) —Al-shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Somalia, kuwaasoo tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.