5/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
WARBXIN: Isbitaalka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo Qarka u Saaran inuu Xirmo


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay si aad ah isku soo tarayeen qeylo dhaanta maamulka iyo shaqaallaha isbitaalka guud ee Beledweyne oo ka cabanaya dawo la'aan soo food saartay, ayaa waxaa hadda muuqata in heer quus ah laga taagan yahay sii socoshada adeegyadii caafimaad ee isbitaalku siin jiray bukaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka goboka Hiiraan ee arrimaha bulshada Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo booqday isbitaalka, ayaa wuxuu warbixin ka dhageystay maamulka iyo shaqaalaha, waxaana uu soo maray qeybaha kala duwan ee isbitaalka ka kooban yahay, isaga u kuur-galayay xaalada bukaanka ku jira iyo sidda ay u hellaan adeegii caafimaad oo ay u baahnaayeen.

Agaasimaha guud ee isbitaalka, Axmed Max'ed Khaliif ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin cid ka soo jawaabtay cabasho muddo dheer ay jeedinayay, isaga oo intaa ku darray in dawo la'aanta ka jirta isbitaalka laga yaabo inay sababto in ay joogsadaa howlihii uu u hayay bulshada ku dhaqan gobolka.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee arrimaha bulshada Sh. Xusseen Cismaan Cali, ayaa ugu baaqay hay'adda samafalka ka howlgal gobolka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in uu isbitaalku sii shaqeeyo inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan..

“Bulshada inta wax heysta waa in ay isbitaalka caawisaa, waayo cid kale oo uu sugayo ma jirto, bulshada ayaa loo adeegayaa, sidaa daraadeed waa in bulshada laftirkeeda gacan ka geysataa siddii uu u sii shaqeyn lahaa'' ayuu yiri Sh. Xuseen Cismaan Cali.

Isbitaalka magaalada Beledweyne, oo ah isbitaalka ugu weyn gobollada dhexe, waxaana adeeg caafimaad u soo doonta siiya bukanno ka kala yimaada deegaannada uu gobolku ka kooban yahay, Bakool iyo Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya













Click here
10/7/2015 1:30 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacowday wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.

10/7/2015 12:36 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay inaysan marna aysan ka qayb-geli doonin kulanka looga xaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia ee maanta uu dib u dhaca ku yimid.

10/7/2015 11:38 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Si wanaagsan ayaan Online-ka ugu daawaday Dood-wadaag uu fahamkeygu yahay inuu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya.

10/7/2015 11:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kulan hal-ku-dhig looga dhigay nabad iyo barwaaqo ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaasoo ay kasoo qayb-galeen inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

10/7/2015 10:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laacibka Mame Diouf oo u ciyaara kooxda Stoke ee Ingiriiska ayaa la sheegay inay hooyadii ku geeriyootay is buurashadii ka dhacday Xajka.

10/7/2015 9:47 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Wariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xirnaa dowladda Somalia ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen.

10/7/2015 9:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Qoriley ku qul-qulayeen waxgarad ayaa waxaa saakay u ambabaxay deegaanka Qoriley, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ah cuqaasha gobolka Sool, si loo joojiyo colaado soo laalaabtay oo deegaankaas ka dhacay.

10/7/2015 8:40 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku suganaa magaalada Nairobi ayaa la kulmay safiirka Talyaaniga ee Somalia, Fabrizio Marcelli, kaasoo madaxweynaha kusoo booqday hoygiisa.

10/7/2015 8:02 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu dib u billaabanayaan wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Somaaliland.

10/7/2015 7:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xubno ka socday Sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

10/7/2015 7:29 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Shirkii looga xaajoon lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaddib markii ay diideen xildhibaannadii mooshinka keenay

10/7/2015 7:28 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo dhawaan xilka la wareegay ayaa maanta kormeerro uu ugu kuur-galayay xaaladda ciidamada xoogga dalka ku tagay hoggaannada ciidanka xoogga iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnaa goobihii uu booqday, isagoo dhanka kale kulan la qaatay saraakiil ka socota dalka Turkiga; kuwaasoo gacan-siiya taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

10/7/2015 6:37 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laba askari ayaa ku dhintay, labana kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay xilli dambe u geysteen guriga badhasaabka gobolka Awdal koox dabley ah oo aan weli la aqoonsan.

10/7/2015 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ee gacanta ku haya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa xabsiga dhigay ma’suul sheegtay inuu yahay madaxweynaha gobolllada dhexe ee Somalia.

10/7/2015 3:18 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay degmada Wadajir ku toogtay wiil u adeer u yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Cilmi iyo wiil kale oo la socday. waxaana dilkooda si rasmi ah u sheegatay Al-shabaab.

10/7/2015 3:05 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) —Al-shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Somalia, kuwaasoo tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.