6/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Maanta Kormeeray Hoggaannada Ciidamada Dalka (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo dhawaan xilka la wareegay ayaa maanta kormeerro uu ugu kuur-galayay xaaladda ciidamada xoogga dalka ku tagay hoggaannada ciidanka xoogga iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnaa goobihii uu booqday, isagoo dhanka kale kulan la qaatay saraakiil ka socota dalka Turkiga; kuwaasoo gacan-siiya taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

Jen. Maxamed Aadan ayaa wuxuu si weyn ugu kuur-galayay xaaladda ay ciidammadu ku shaqeeyaan, wuxuuna taliyihu booqday dhismooyin ciidamada ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

“Waxaan idinku ammaanayaa sida aad naftiinna ugu hurteen difaaca & badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal Qaran, ummadda Soomaaliyeedna waa inay taas ogaataa gacanna nagu siiyaan sidii aan dalkeena cadowga kusoo duulay uga sifeyn lahayn. Waxaan u jeedaa burbur iyo baahi kala duwan oo la rabo in si deg-deg ah wax looga qabto, waana midda aan hadda dadaalka ugu jirno sidii aanu wax uga qaban lahayn,” ayuu yiri taliyaha CXDS oo la hadlayay sharaakiisha hoggaannada ciidamada.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka xoogga, Jen. Maxamed Aadan ayaa wuxuu ku qaabilay xafiiskiisa saraakiil ka socotay dawladda Turkiga, wuxuna si aad ah ugu bogaadiyay gacanta ay siiyaan mar walba dawladda iyo shacabka Somalia.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu si gaar ah uga mahad-caliyay Turkiga gacanta ay siiyaan ciidanka xoogga dalka; isagoona sheegay in taliska guud ee ciidamada xoogga dalku uu diyaar u yahay sidii uu wada-shaqayn dhaw ula yeelan lahaa saraakiisha maadaama ay ka mid yihiin dalalka taageera ciidanka xoogga dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya