4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
Ahlusunna oo xabsiga dhigtay Mas’uul sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Gobollada Dhexe


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ee gacanta ku haya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa xabsiga dhigay ma’suul sheegtay inuu yahay madaxweynaha gobolllada dhexe ee Somalia.

Mas’uulkan oo xalay la xiray ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Dhoodi oo shalay duleedka Dhuusa-mareeb kaga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha maamulka gobalada dhexe, taasna ay keentay in xalay xabsiga la dhigo.

Sidoo kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna ayaa Dhuuso-mareeb ka sheegay in  C/llaahi Dhoodi uu ahaa guddoomiye waaxeed ka mid ah xaafadaha Dhuusa-mareeb, xilkiina laga qaaday; taasna ay keentay inuu ku dhawaaqo inuu yahay madaxweyne.

Waxaa kaloo mas’uuliyiinta Alhusuna ay sheegeen inay su’aalo weydiinayaan mas’uulkan ay xireen, kuwaasoo ay ka mid yihiin sababta ku kalliftay inuu ku dhawaaqo madaxweyne inuu ka yahay gobollada dhexe iyo cidda ku guubaabisay inuu falkan ku kaco.

Dhanka kale, C/llaahi Dhoodi ayay ciidamadu Ahlusunna Waljamaaca kasoo qabteen meel lagu magacaabo Ceel-dheere oo qiyaastii 30-km u jirta degmada Dhuuso-mareeb halkaasoo uu ku sugnaa.

Ugu dambeyn, arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Ahlusunna ay horay uga dhawaaqday degmada Dhuuso-mareeb madaxweyne niyo  madaxweyne ku xigeen ay sheegeen inay ka talin doonaan gobollada dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya