9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay laba qof oo midkood uu Adeer u ahaa Madaxweyaha DF


Dr. Liibaan Cismaan Cilmi - Wiilka uu Adeerka u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay degmada Wadajir ku toogtay wiil u adeer u yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Cilmi iyo wiil kale oo la socday. waxaana dilkooda si rasmi ah u sheegatay Al-shabaab.

Liibaan ayaa ahaa dhakhtar ka hawlgala mid ka mid ah isbitaalada Imaaraadku leeyihiin ee Muqdisho ku yaalla, iyadoo aabbihii oo ay isku hooyo yihiin Xasan Sheekh uu dhawaan ku dhintay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhakhtarka iyo wiil kale oo macallin jaamacadeed ahaa oo la socday laguna magacaabi jiray C/qaadir Yabaroow ayaa lagu dhex-toogtay gaarigooda, kaddib markii dableyda dishay ay gaarigoodii ku hor-gooyeen gaari ay wateen, kaddibna ay rasaas culus ku fureen.

"Dabley watay gaari ayaa ku hor-jaray gaarigii ay dhakhtarta iyo wiilka kale wateen gaari kale oo ay wateen, kaddibna waxay ku fureen, goobta ayayna ku geeriyoodeen," ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal la hadlay warbaahinta. Waxayna intaas ku dareen in kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilkaas labadan ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen madaxtooyada Somalia, weerarkana ay dileen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo Muqdisho ku sugan.

"Hadafka weerarka wuxuu ahaa wiilka uu madaxweynaha Somalia adeerka u yahay oo ka tirsan madaxda xiriirka waddamada Carabta iyo dowladda Soomaaliya," ayaa lagu yiri war laga sii daayay idaacadda Al-shabaab ee Al-andulus oo soo xiganaysay saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Dr. Liibaan Cismaan Cilmi oo uu madaxweynaha DF adeer u ahaa uu si gaar ah ula socday caafimaadka madaxweynaha Somalia, laakiin weli kama hadlin xafiiska madaxweynaha inuu Dr. Liibaan ahaa dhakhtarka Madaxweynaha iyo in kale.

Haya'daha amniga dowladda federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin iyaguna dilka labada qof ee mid ka mid ah uu adeer u ahaa madaxweynaha Somalia ka hadlin, waxaana dilkaan uu ka mid noqonayaa dilal dhowr ah oo sannadkan ka dhacay degmada Wadajir.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay degmada Wadajir ku dilaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah, iyadoo horay loogu dilay degmadaas suxufiyiin, shaqaale dowladeed iyo shaca fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/7/2015 1:30 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacowday wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique.

10/7/2015 12:36 PM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay inaysan marna aysan ka qayb-geli doonin kulanka looga xaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia ee maanta uu dib u dhaca ku yimid.

10/7/2015 11:38 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Si wanaagsan ayaan Online-ka ugu daawaday Dood-wadaag uu fahamkeygu yahay inuu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya.

10/7/2015 11:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Kulan hal-ku-dhig looga dhigay nabad iyo barwaaqo ayaa lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaasoo ay kasoo qayb-galeen inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

10/7/2015 10:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laacibka Mame Diouf oo u ciyaara kooxda Stoke ee Ingiriiska ayaa la sheegay inay hooyadii ku geeriyootay is buurashadii ka dhacday Xajka.

10/7/2015 9:47 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Wariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xirnaa dowladda Somalia ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen.

10/7/2015 9:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Qoriley ku qul-qulayeen waxgarad ayaa waxaa saakay u ambabaxay deegaanka Qoriley, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ah cuqaasha gobolka Sool, si loo joojiyo colaado soo laalaabtay oo deegaankaas ka dhacay.

10/7/2015 8:40 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku suganaa magaalada Nairobi ayaa la kulmay safiirka Talyaaniga ee Somalia, Fabrizio Marcelli, kaasoo madaxweynaha kusoo booqday hoygiisa.

10/7/2015 8:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay si aad ah isku soo tarayeen qeylo dhaanta maamulka iyo shaqaallaha isbitaalka guud ee Beledweyne oo ka cabanaya dawo la'aan soo food saartay, ayaa waxaa hadda muuqata in heer quus ah laga taagan yahay sii socoshada adeegyadii caafimaad ee isbitaalku siin jiray bukaanka.

10/7/2015 8:02 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu dib u billaabanayaan wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Somaaliland.

10/7/2015 7:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xubno ka socday Sanduuqa xasilinta Soomaaliya ee SSF ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

10/7/2015 7:29 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Shirkii looga xaajoon lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaddib markii ay diideen xildhibaannadii mooshinka keenay

10/7/2015 7:28 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo dhawaan xilka la wareegay ayaa maanta kormeerro uu ugu kuur-galayay xaaladda ciidamada xoogga dalka ku tagay hoggaannada ciidanka xoogga iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnaa goobihii uu booqday, isagoo dhanka kale kulan la qaatay saraakiil ka socota dalka Turkiga; kuwaasoo gacan-siiya taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

10/7/2015 6:37 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Laba askari ayaa ku dhintay, labana kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay xilli dambe u geysteen guriga badhasaabka gobolka Awdal koox dabley ah oo aan weli la aqoonsan.

10/7/2015 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) — Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ee gacanta ku haya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa xabsiga dhigay ma’suul sheegtay inuu yahay madaxweynaha gobolllada dhexe ee Somalia.

10/7/2015 3:05 AM EST
Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) —Al-shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Somalia, kuwaasoo tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.