4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2015
SH. CALI DHEERE: Ciidamada Britain haddii ay Somalia yimaadaan waan la Dagaallamaynaa


Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (HOL) —Al-shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Somalia, kuwaasoo tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

RW Brtain, David Cameron ayaa toddobaadkii hore sheegay New York inuu 370 oo askari u dirayo dalalka Koofurta Sudan iyo Somalia, iyadoo ciidamada loosoo dirayo Soomaaliya tiradooda lagu sheegay 70-askari oo tababarayaal ah.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay inay la dagaallami doonaan ciidamada Britain, haddii ay cagta soo dhigaan cidda Somalia.

“Haddii ay ciidamada dowladda Ingiriisku yimaadaan Somalia ; waxaa naga go’an inaan la dagaallanno, waxaanan marsiin doonnaa halkii ay mareen awoowayaashood,” ayuu ku yiri wareyesigiisa afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale, Sh. Cali Dheere ayaa xusay in meydadka askarta Ingiriiska lagu arki doono goobaha dagaalka, haddii ay duullaanka ka socda Soomaaliya kasoo qayb galaan.

“Waxaa noo qorsheysan inaan la dagaalanno ciidamada Ingiriiska, horay waa u joogeen, waanan ula dagaalannay. Askarta Ingiriiska oo lagu gowracayo jidadka waa la arki doonaa… waxaana laga daawan doonnaa caalamka oo dhan,” ayuu yiri Sh. Cali Dheere.

Danjiraha Britain u fadhisa Somalia, Hariet Mathews ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho dorraad waxay ku sheegtay in ciidamada UK aanay ka qayb-qaadan doonin dagaallada lagula jiro Al-shabaab, balse ay yihiin oo tababarayaal oo keliya.

Ugu dambeyn, Qorshaha Britain ay ciidamada ugu soo direyso Somalia ayaa ah mid ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM uga taageerayaan howlaha tababarrada, caafimaadka, qalabeynta ciidamada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya