Qurbo-joogta Reer Hiiraan oo Muujiyay Walaaca ay ka Qabaan Heshiiska Maamul u Sameynta G. Hiiraan iyo Sh. Dhexe

Sabti, Ogoosto 15, 2015 (HOL) — Golaha Qurbo-joogta Reer Hiiraan ayaa kulan deg-deg ah oo ay yeesheen kaga horyimid Qorshaha maamul wadajirka ah loogu sameynta Hiiraan iyo Shabeellad Dhexe, kaasoo dhawaan heshiiskiisa lagu saxiixay Madaxtooyada Somalia, iyagoo sheegay inuu u muuqdo heshiiskan mid qoor-qabad ku ah Reer Hiiraan oo aan loo marin waddadii loo baahnaa ee sharciga ahayd.

Kulanka ayaa laga sheegay in Aayaha Gobolka iyo Maamul u sameynta labada Gobol ee  Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ku matalaayay Gobolka sida; Wasiirka Amniga Gudaha ee Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax oo heshiiska ay galeen aan laga Tashan dadkii ay khuseysay.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Wuxuu sheegay in Shacabka Qaar loo Taliyaa Qaarna ay taliyaan. Taasoo la mid ah cid aan la tashaday ama aan talo la wadaaygay ma jirto. Sidaa darteed Qurbo-joogta Reer Hiiraan waxay halkan ku caddeeynayaan mowqifkooda rasmiga ah ee ku aaddan heshiiska ka dhacay Madaxtooyada iyo wixii ka soo baxay.

1. Annaga oo ku hadlayna Magaca Qurbo-joogta Reer Hiiraan, Waxaanu Heshiiskaas u aragnaa mid marin habaabin ku ah nidaamka Dowladnimo iyo Hannaanka curdanka ah ee Federaaleynta Soomaaliya.

2. Waxaan Heshiiskaas u Aragnaa mid aan ku habbooneyn Dhaqanka Dowladnimada iyo Dimuqraadiyadda, maadaama uu ahaa mid aan lagala tashan bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.

3. Waxaan heshiiskaas u aragnaa mid ay wadda-galeen dad gaar ah oo isku dan ah, balse aan metelin magaca ay wax ku saxiixeen, Sababtoo ah labada mas’uul ee magaca Hiiraan Heshiiska  ku saxiixay waxaa xilalka u magacaabay Xasan Sh. Maxamuud , mana ahan mas’uuliyiin nidaam doorasho ah  ku yimid oo metela dadka ay Magacooda ku hadlayaan.

4. Laga soo billaabo Waqtigii Talyaanigu dalka haystay illaa 1969-kii, inta aanu kacaanku dhalan Hiiraan waxay ka mid ahayd saddexdii gobol ee ugu kuraasta badnaa baarlamaanka Soomaaliya.

5. Gobolka Hiiraan wuxuu ka mid ahaa lixdii gobol ee saldhiga u ahaa nidaamkii daakhiliyada ee Koonfurta Soomaaliya. Markii Xurnimada la qaatayna, Hiiraan waxay ka mid ahayd sideeddii gobol ee noqday Jamhuuriyada Soomaaliya.

6. Hiiraan waa gobolkii ugu weynaa saldhigana u ahaa dhaqdhaqaaqii gobonimo-doonka dalka, isla markaana si siman u marti-geliyay dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed; iyagoo aan marnaba dareemin wax Qabyaalad ah taasoo ku timid dhaqanka suuban iyo Soomaali jaceylka Gaamuray ee Reer Hiiraan.

7. Hiiraan waa Gobolka kaliya oo ka harey sideeddii Gobol ee lagu Aasaasay  Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana toddobadii gobol ee kale loo Qabiyay 17 gobol, taasoo laga dhaxlay kala qeybsanaan bulshadeed oo aan dan u ahayn Qaranka Soomaaliya; waana mushkiladda illaa hadda la xalin la’yahay.

8. Qurbo-joogta Reer Hiiraan waxay u sheegayaan Dowladda Somalia iyo Gabi ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inaan la isku dayin in la xaqiro mudnaanta iyo Taariikhda ma guurtada ah ee Hiiraan. Waxaana u soo jeedinaynaa inay taageeraan go’aanka reer Hiiraan ee ah in Hiiraan uu keligiis noqdo dowlad-goboleed ka mid ah dalka Soomaaliya.

9. Qurba joogta Reer Hiiraan waxay cod dheer ku leeyihiin, ma ogollin in Hiiraan lagu daro gobol kale, balse waxaan soo dhaweyneynaa isku darka Goboladii horay loo kala jaray Xilligii Kacaanku jiray Haddii ay dib u Midoobayaan. Ugu dambeeyn, ma jiro gobol uu Hiiraan horay uga mid ahaa ama Hiiraan ka mid ah oo uu la midoobi karo. Sidaa darteed ma jirto sabab Hiiraan loogu daro Gobol ka mid ah Gobolladii kacaanku sameeyay ee 17-ka ahaa.

Xubnaha Jaaliyadaha North America, UK, Scandinavian-ka iyo Kenya’

1. Prof ahmed Mimin Warfaa
2. Prof Abdikarin Muxummed Caraale
3. Abdulkadir Ali Abdi Xuurka
4. Ahmed Osman Baasto
5. Abukar Osman Baale
6. Ilyas Abdi Hayuke
7. Mohammed Ismaciil Atoore
8. Abdulkadir Sh Muumin Shiiraar
9. Sahra Mohammed Abtidoon
10. Mustaf Sabriye Halane
11. Cilmi Xuseen Sabriye Koofi
12. Abdisalaam Suldaan Ahmed
13. Khaliif Muumin Tooxoow
14. Xildhibaan Avv. Dahir Hassan Abdi
15. Abdi Rooble Naxar
16. Coll. Hassan Abdule Farah
17. Alidhuux Hussein Adow
18. Cilmi Muxummed Ugaas
19. Cabdi Guure Waasuge
20. Cumar Xuseen Cadoow
21. Hawa Hiiraan
22. Nabadoon Tawane Sabriye
23. Abdikarin Sabriye Halane
24. Omar Mohammed Ahmed.