Cabsi lasoo darsay Magangalyo doonka ah ee ku nool Sweden kaddib Markii la dilay laba Ruux


Sabti, Ogoosto 15, 2015 (HOL) — Shaki Cusub ayaa soo Dhex-galay Shacabka u dhashay dalka Sweden iyo dadka Magan-galyo doonka ah, kaddib markii nin la sheegay inuu 36-jir ah oo Dalkaas Qoxootinimo weydiistay uu billaawe ama Toorreey ku dilay laba Ruux oo u dhashay dalka Sweden; kuwaasoo wax ka iibsanayay dukaan lagu magacaabo IKEA.

Xero Qoxooti oo ku taalla Magaalada Arboga ee wadanka Sweden ayaa laga helay Dareere khatar ah oo loo isticmaalo Qaraxyada, iyadoo magan-galyo-doonkii ku jiray xeradaas laga Daad-gureeyay, kaddib markii laga baqay in Xeradan la Qarxiyo. Iyadoo xeradan ay tahay halkii uu ku jiray ninka dilka geystay.

Raadiyaha Sweden ee Sverige Radio ayaa baahiyay in Xerada Magan-galyo-doonka ee ku Taalla Arboga laga Helay Dareere Khatar ah oo loo Isticmaalo Qaraxyada. Booliiska ayaa Aaminsan in la doonaayay in lagu dilo dadkii ku jiray xeradaas, waxayna sheegeen in xog ay heleen ay sheegayso halka Qaraxa lagu diyaariyay.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa waxaa bannaanka xerada ka dhacay Rabshado ay dhigayeen dad Swedish ah, iyadoo dadkii ku jiray xeradaas ay dareemeen cabsi weyn. Wararka ayaa sheegaya nin ninka dilka geystay uu dilay Hooyo 55-jir ahayd iyo wiilkeeda oo 28-jir ahaa, kuwaasoo ka yimid magaalo ku taalla Waqooyiga Sweden.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daray in ninkan dilka Hooyada iyo Wiilkeeda Swedish-ka ah geystay uu u dhashay Wadanka Eritrea, iyadoo loo maleynayo inuu falkaan u geystay sharciga dalka Sweden oo loo diiday awgeed, laguna waday in Dalkiisa loo Musaafuriyo. Waxaana la sheegay in ninkan uu is-dhaawacay dilka kaddib.

Ruuxan ayaa Haatan lagu Daweynayaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Arboga oo la Dhigay markii uu is-dhaawacay, iyadoo Dhakhaatiirtu ay Sheegeen in Xaaladdiisu ay Wanaagsan tahay, wuxuuna ninkan Qirtay dilka labadan Qof  ee is-dhalay.

Ugu dambeyn, Cudurrada ku Dhaca Maskaxda ee Waallida Sababa ayaa Dhawaanahan ku soo Badanayay Dadka Magan-galyo-doonka ah ee ku Nool Qaar ka mid ah Dalalka Yurub sida sheegeen Xeel-dheerayaal dhanka Caafimaadka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya