Gabar u Shaqeynaysay Baarlamaanka Somalia oo Maanta lagu dilay Gudaha Degmada Wadajir


Sabti, Ogoosto 15, 2015 (HOL) — Haweeney ka Tirsanayd Shaqaalaha Baarlamaanka FS ayay kooxo hubeysan Baqonimadii maanta waxay ku Dileen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Marxuumad Raxmo Maxamed C/qaadir oo ah Haweeneyda la dilay ayaa waxaa la sheegay inay toogteen labo ruux oo bastoolado ku hubeysan, iyagoo ku toogtay meel Gurigeeda ku dhow, xilli ay kusii jeeday Xarunta Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in kooxihii toogtay Haweeneydan fuliyay ay ka baxsaday goobta, iyadoo waqti dambe ay soo gaareen Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, kuwaasoo aan cidna u qaban dilka.

Raxmo Maxamed ayaa waxay ka mid ahayd Gabdhaha kasoo baxay Jaamacadaha Somalia ku yaalla oo shaqada ka helay Baarlamaanka Somalia, iyadoo sannadiihii lasoo dhaafay ka mid ahayd Shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka.

Dilalka Qorsheysan ee loo geysanayo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan ka dhacayay Muqdisho, iyadoo Degmada Dharkeenley lagu dilay dhawaan hawl-wadeen ka tirsanaa xafiirka Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Ugu dambeyn, Waxaa dhowrkii Bilood ee lasoo dhaafay ka dhacayay Labadaan Degmo ee dariska ah; Dharkeynley iyo Wadajir dilal kala duwan oo loo geystay Xildhibaanno, Askar iyo shaqaale kale oo ka tirsan Dowladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya