
Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carte Qaalib oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay inay xukuumadda Soomaaliya magacaabi doonto guddi heer Qaran ah oo wax ka qaban doona khatarta laga digay inay geysato dabeysha El Nino ee laga yaabo inay ku dhufato Somalia.
Carte ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deggen gobollada ay ku yaallaan webiyada Shabeelle iyo Jubba ay ku fatahaan, kuwaasoo uu sheegay in laga yaabo inay webiyadu ku fatahaan.
Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay in dabeylaha El Nino ay Soomaaliya ka geysan karaan khasaare halis ah, waxaana xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay in ay u diyaar-garowdo ka hortagga khatarahaas, iyadoo kaashanaysa haya’adaha gar-gaarka ka shaqeeya.
Somalia ayaa waxaa horay ugu da’ay roobab biyo badan wata, kuwaas oo ay khasaarooyin xooggan kasoo gaareen shacabka ku nool deegaannada ay maraan webiyada Shabeelle iyo Jubba, iyadoo dad badanna ay ku geeriyoodeen daadadka ka dhashay roobabkan.
Ugu dambeyn, RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in guddiga ay xukuumaddu magacaabayso uu ka koobnaan doono qaybaha bulshada iyo xukuumadda, ayna howshoodu noqon doonto sidii ay wax uga qaban lahaayeen musiibada laga digay in ay dalka ka dhacdo.
Si kasta ha ahaatee, safiirada Britain ee Somalia Harriet Mathews oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladeedu ay diyaar u tahay inay Somalia gacan ka siiso sidii ay wax uga qaban lahayd khasaare walba oo ka dhashay dabeylaha iyo roobabka is-wata ee El Nino.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya