
Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (HOL) — Iyadoo xukuumadda Somaliland ay ku wareejisay dhawaan haamaha keydka shidaalka ee Berbera shikad gaar loo leeyahay, ayaa wareejinta haamahaas waxaa ka dhashay khilaafyo sababay inay is-rasaseyni ka dhacdo deegaanno ka tirsan Somaliland.
Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Fahim Cabdi Bidaar ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay saakay rasaas ku furtay gaari booyad ah oo marayay waddada u dhexeysa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ee Somaliland.
Sidoo kale, guddoomiyaha Berbera oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in ay kooxo kale oo hubeysan saakay ku fureen gaari marayay waddada u dhexeysa magaalooyinka Berbera iyo Sheekh.
“Dhallinyarada abaabulan ee rasaasta ku furay gaadiidkan ay garanayaan, ayna ciidammo booliis ah oo ka kala tagay Berbera iyo Hargeysa ay ku raad-joogaan,” ayuu guddoomiyaha magaalada Bebera yiri, isagoo aan sheegin in dhallinyaradaas la qabtay iyo in kale.
Wuxuu kaloo guddoomiyaha Berbera sheegay in shank a mid ah dadka ku nool Berbera ay guddiga nabadgalyada gobolka Saaxil ku xukunmeen min 30-casho oo xabsi ah, kuwaasoo uu sheegay inay wadeen abaabullo ciidan oo ay rabeen inay fowdo kaga abuuraan waddada isku xirta Hargeysa iyo Berbera.
Ugu dambeyn, waxaa la sheegayaa in shacabka magaalada Berbera badankooda ay kasoo horjeedaan go'aanka xukuumada Somaliland ay haamaha keydka shidaalka ee Berbera ugu wareejisay mid ka mid ah shirkado ganacsi oo tartan u galay in lagu wareejiyo haamaha.
Si kastaba ha haaatee, waxaa horay u diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo shirkado ganacsi golayaasha wasiillada Somalialnd, inkastoo ay xukuumaddu ku gacan-sayrtay go’aanka golayaashu gaareen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya