
Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 700 oo ka mid ah dhallinyarada Kenya oo ay Al-shabaab horay ugu qoratay ayaa dib loogu soo celiyay Kenya, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir u soo saareen hay'ado ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo dowladda Kenya.
Warbixin lagu sheegay arrintan oo ka kooban 36-bog ayaa waxaa wadajir u soo diyaariyay golaha sare ee muslimiinta waddanka Kenya, hay’adda caalamiga ah ee socdaalka IOM iyo wasaarada arrimaha gudaha Kenya.
Boqolaalkan Keenyaanka ah ayaa la sheegay inay qaarkood go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda, markii ay noqon waayeen siidii ay moodayeen ballan-qaadyo horay ay Al-shabaab ugu sameysay, halka qaar kalena ay ka faa’iideysteen cafiskii uu bishii Abriil ee sannadkaan ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, kaasoo ahaa in la cafinayo ciddii kasoo laabata ka mid ahaanaha Al-shabaab.
Mid ka mid ah dhallinyaradan Kenyan ah ee la sheegay inay dalkooda Kenya ku laabteen ayaa sheegay in markii hore ay Al-shabaab si khasab ah ku qoratay, iyadoo qaarkood laga dhigay madax, kuwo kalena laga dhigay dagaal-yahanno, uuna arkay xubno ka mid ah oo dhaawacyo madaxa ah ay kasoo gaareen dagaallo ay ka qaybgaleen.
“Waxay dhallinyarada dib u soo laabtay da’doodu u dhexeysaa 24-jir illaa 34-jir, taasoo muujinaysa in Al-shabaab ay dagaallada u qoranayso dhallinyaro,” ayaa warbixintan lagu yiri.
Dhallinyarada Keenyaanka ah ee kasoo jeeda deegaannada faqriga ah ee dalka Kenya iyo dhallinyarada kale ee careysan oo sannadihii lasoo dhaafay ku biiray kooxda Al-shabaab ayaa weerarro dhiig-badan uu ku daatay ka geystay gudaha Kenya, sida magaalada Nairobi iyo kuwo kale oo ku yaalla xeebta, ayaa mar kale lagu xusay warbixinta.
Warbixinta ayaa lagu xusay in qiyaastii dhallinyaradan dib ugu soo laabtay dalka Kenya ay 684 ka mid ah laga qoray deegaanno ay ka mid yihiin; Kilifi, Kwale iyo Mombasa oo ka mid ah deegaannada ku yaalla gobolka xeebta Kenya. Sidoo kale 58% dhallinyaradan soo laabtay ayaa la sheegay inay ahaayeen xoogsato iskood u shaqeysta.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in 33% dhalinyaradan ay ahaayeen kuwo aan shaqo haysan intii aysan ku biirin Xarakada Al-shabaab; kuwaas oo markii ay waayeen dhaqaale ay qoysaskooda ku caawiyaan ay go’aansadeen inay Al-shabaab ku biiraan.
“Dhallinyaradan soo laabtay waa fursad qaali ah; waxaana looga faa’iideysan karaa inay soo bandhigaan hababka dhallinyarada loo qorto, sida looga hor-tegi karo fikiradaha xag-jirnimada iyo inay qayb ka qaataan sidii dhallinyarada kale ee Kenyanka ah ee ka tirsan Al-shabaab ay uga soo saari lahaayeen,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo xukuumadda Kenya loogu baaqay inay dhallinyaradaan siiso tababarro iyo shaqoooyin.
Ugu dabmeyn, ku xigeenka xoghayaha golaha Muslimiinta Kenya, Xasan Ole Naado ayaa walaac ka muujiyay amniga dhallinyaradan Kenyanka ah ee waddankooda kusoo laabtay iyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen inay ku milmaan shacabka Kenya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya