
Jimco, December 18, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa maanta sheegay inay u dirayaan dalka Burundi oo ay qalalaase siyaasadeed ka jiraan ciidammo nabad-ilaalin ah oo gaaraya 5,000 oo askari, si ay u difaacaan shacabka, isla markaana uga hortagaan inay sare u sii kacaan xiisadaha colaadeed ee ka taagan.
Xukuumadda Burundi ayaa iyaduna maanta ku dhawaaqday in aan dalkeeda la keeni karin ciidammo aan ogolaasho looga haysan. Balse go’aanka Midowga Afrika kasoo baxay ayaa imaanaya xilli waddamada dariska la ah Burundi ay aad uga qaylo-dhaamiyeen colaadaha ka taagan Burundi, iyadoo sidoo kale ay sheegtay QM in dalkaas uu Qarka u saaran yahay inay ka dillaacaan dagaallo sokeeye.
Colaadda ka jirta dalka Burund ayaa cirka isku sii shareeraysa, kaddib markii toddobaadkii hore ay kooxo hubeysan weerareen saldhigyo millaterigu ay ku lahaayeen xaafado ka tirsan magaalada xarunta ah ee Bujumbura.
Golaha Amniga iyo Nabad-galyada ururka Midowga Afrika ayaa meel-mariyay ciidamada nabad-ilaalinta ah ee loo dirayo dalka Burundi gellinkii dambe ee Khamiistii shalay, balse dulmaasi ka tirsan Midowga Afirka ayaa sheegaya in go’aankaan uu u baahan yahay inay aqbalaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si uu dhaqan-gal u noqdo.
“Waxaan la isku raacay in 5000 oo askari loo diro dalka Burundi, kuwaasoo Waajibkoodu yahay inay shacabka difaacaan… go’aankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ururku qaato isagoo ka booday qodobka afaraad ee dastuurka u yaalla,” ayuu hadalkiisa ku daray dublamaasigan.
Qodobkaan ayaa u ogolaanaya Golaha inay fara-gelin ku sameyn karaan dalka ka mid ah ururka; markii ay ka dhacaan; xaquuq, dambiyo dhanka dagaalka ah iyo weliba dambiyo ka baxsan bani’aadamnimada.
Dhanka kale, afhayeenka dowladda Burundi, Philippe Nzobonariba ayaa sheegay maanta inaysan ogoleyn in waddankooda la keeno ciidammo aan ogolaasho rasmi ah looga haysan xukuumadda. Wuxuuna yiri. “Dalka ma soo geli karaan ciidammo aan ogolaasho nalooga haysan.”
“Waxaa u wanaagsan haddii ay aadayaan xeryaha ku yaalla Rwanda oo lagu soo tababaro kuwa dhibaatada wada,” ayuu hadalkiisa ku daray Nzobonariba. Iyadoo dhowr jeer oo hore ay xukuumadda Bujumbura ku eedeysay Dalka ay dariska yihiin ee Rwanda inuu Taageero xoogagga rabshadaha kawada waddankooda, inkastoo Rwanda ay iska fogeysay eeddaas.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 400 oo qof lagu dilay dalka Burundi tan iyo markii ay rabshaduhu ka billowdeen bishii Abriil ee sannadkaan 2015-ka. Sidoo kalena ay kumannaan qof ka carareen xiisadaha ka taagan dalkooda.
Ugu dambeyn, go’aanka ururka Midowga Afrika uu ciidamada ku geynayo dalka Burundi ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dalkaas ciidammo qayb ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya