Jimco, December 18, 2015 (HOL) — Abaalmarin loogu magac-daray Rajo ayaa waxaa la guddoonsiiyay toddoba qof oo isugu jira rag iyo dumar, kuwasoo kaalin muuqata ka qaatay hormarka iyo ganacsiga Somalia 25-kii sanno ee lasoo dhaafay, kaddib Xaflad lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Waa markii ugu horreysay oo abaalmarin noocan oo kale ah lagu guddoonsiiyo xubnaha ka qayb-qaatay horumarinta bulshada Soomaaliyeed, kuwasoo waddanka ku sugnaa muddadii burburku jiray, waxaana xafladda soo qaban-qaabiyay gole ay ku midoobeen Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ay ka shaqeeya hormarinta dalka iyo dad Soomaaliyeed.
Dadka la guddoonsiiyay abaalarinta Rajo ayaa waxay ka koobnaayeen xubno horumarinta Waxbarshada, isla markaana asaasay Jaaamacado iyo Machadyo intii Somalia ay burburka ku jirtay, ganacsato, suxufiyiin iyo haween muddo 20-sano ah ka shaqaynayay horumarinta haweenka.
Haddaba, xubnaha la guddoonsiiyay Abaalmarinta rajo ayaa kala ahaa;
1. Guddoomiyihii Guddiga Hormarinta Boosaaso, Jen. Cali Ismaaciil.
2. Guddoomiyaha Dallada Haweenka ee WAWA, Xaawo Cali Jaamac.
3. Tifaftiraha Wargeyska Kaaha Bari, Prof. Khaliif Maxamed Bare.
4. Guddoomiyaha Jaamacadda PIADAM, Maxamed Muumin Yuusuf.
5. Guddoomiyaha Jaamacadda Culuumka Caafimaadka, C/risaaq Xuseen Xasan.
6. Milkiilada Kismaayo Group, Xalwo C/llaahi Sheekh.
7. Farshaxamiiste, Aamiin Cabdullaahi Axmed oo ka howlgala Boosaaso,
Dr. C/casiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa aqoonyahannadii dhidibbada u dhigay Abaalmarinta RAJO oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddooyinka ay ka lahaayeen barnaamijka ay ahayd in bulshadu ay ku tartamaan wannaaga iyo hormarka dalkooda.
“Annaga ujeedada aan barnaamijkan ka lahayn wuxuu ahaa; marka koowaad in dadka wax qabtay lagu abaalmariyo wax-qabadkooda, hadafka labaad waa inay tusaale u noqoto dad kale ee sanadaha soo socda ka qayb-galaya abaalmarintan, hadafka saddexaad wuxuu ahaa inay abuurmaan jawi dadku ay ugu tartamaan wannaaga,” ayuu yiri C/casiis Maxamuud.
Sidoo kale, duqa degmada Boosaaso, Inj. Yaasiin Mire Maxamuud oo isagana ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay xafladda, ayaa xusay in barnaamijka Rajo uu bulshada ka mudan yahay dhiirigalin. Isagoo yiri. “Waa munaasabad qiimo badan oo mudan in la dhiiri-galiyo, waxaana ka qayb-galka barnaamijkaan aan hakad u geliyay shaqooyin kale oo ay ahayd in aan qabto,” ayuu yiri duqa degmada Boosaaso.
Prof. Khaliif Maxamed Barre oo ah suxufi muddo 50-sano ah ka shaqaynayay warbaahinta Soomaaliya; kana mid ahaa dadkii la guddoonsiiyay abaal-marinta ayaa u mahad-celiyay golaha Aqoon-yahanada bixiyay abaalmarinta ayaa yiri. “Rajo waa abaalmarin ay Somali bixinayso, Soomaalina la siinayo, waa arrin ugub ah oo waddanka ku cusub, horseed ayay u noqonaysaa in abaalmarino noocan oo kale ah la siiyo hal-doorka Soomaaliyeed.”
Dhanka kale, Saynab Xaaji oo ku hadashay magaca Guddoomiyaha Dallada Haweenka ee WAWA, ayaa sheegtay in golaha aqoon-yahanada abuuray Abaal-marintan ay bulshada ku abuureen Rajo, isla markaana ay tahay in barnaamijka la dhiirr-geliyo.
Ugu dambeyn, Munaasabaddii abaal-marintaan lagu bixiiyay oo ay bulshada Boosaaso ku nool goobjoog ka ahaayeen ayaa waxay uga mahad-celiyay aqooyahannadii soo agaasimay oo dhan, iyagoo ka dalbaday inay sii wadaan abaal-marinnadan oo kale.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
