Jimco, December 18, 2015 (HOL) — Magaalada Jabuuti ayaa shalay lagu soo gunaanaday shir looga hadlayay doorka haweenka ee ka hor-tagga xagjirnimada, kaasoo ay soo qaban-qaabisay AMISOM.
Shirkan oo socday 15-kii - 17-kii December ayaa waxaa ka qayb-gbalay xubno kala duwan oo haweenka Soomaaliyeed ah, mas’uuliyiin dowladda Somalia ka tirsan iyo mas’uuliyiin ka socotay howlgalka ururka Midowga Afrika ee Somalia.
Dhammaan xubnihii ka qaybgalay shirkan ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Sooamaliya, ururrada bulshada rayidka iyo AMISOM inay kawada shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa xag-jirnimada si looga gaaro natiijo wanaagsan.
Ka-qayb-galayaasha kulankaan ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la wadaago qorshayaasha ka hortagga xagjirnimada, sidii loo awood-siinta lahaa haweenka wax-bartay iyo danjita sharciyada ka hortagga argagaxisada.
Wasiir-u-dowlaha wasaarada gaashaandhigga Somalia, Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallabooyin lagu hirgelinayo qodobbada ay soo jeediyeen ka qaybgalayaasha shirka.
Sidoo kale, Mr Xagaa ayaa sheegay inay haweenka Soomaaliyeed ka qayb-qaadan doonaan dhismaha ciidamada ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ciidamada kale amniga, isagoo intaas ku daray inay kaalin wanaagsan ka qaadan doonaan.
Ergayga ururka Midowga Afrika ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, Benita Diop oo ka hadashay iyana shirka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda haweeka Soomaaliyeed si ay kaalin uga qaataan ka hortagga xagjirnimada.
“Waxaan doonaynaa in la dhiso awoodda haweenka ee bulshada rayidka ah iyo qaybaha amniga dalka, si ay uga hor-tagaan fiditaanka xagjirnimada. Waxaana ka mid ah taas in la xoojiyo kaalinta dumarka Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan sidii looga hortegi lahaa ar-gagaxisonimada iyo inay haweenka kale tababarraan,” ayay tiri Benita Diop.
Ms Diop ayaa intaas ku dartay inay natiijo wanaagsan kasoo bixi karto haddii ay haweenka Soomaaliyeed si firfircoon uga qayb-qaataan dadaallada ka hortagga xagjirnimada, waayo waxay saameyn ballaaran ku leeyihiin qoysaska iyo guud ahaan bulshada Soomaailyeed.
Benita ayaa u mahad-celisay haweenka Soomaaliyeed ee horay uga qayb-qaatay wacyi-gelinta bulshada iyo hay’adaha dowladda, dadaalkaas oo ahaa mid ay ku doonayaan inay dalkooda ku hagaajiyaan.
Dhanka kale, Wasiiradda haweenka, qoyska iyo xiriirka baarlamaanka ee wadanka Jabuuti, Xasna Barkhad Daa’uud ayaa si aad ah ugu ammaanay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ka qaadanayaan geeddi-socodka nabadda iyo dib u dhiska dalkooda. Iyadoo ku boorrisay Midowga Afrika inay fuliyaan qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa; 1,325, ee soo baxay 31-kii Oktoobar ee sannadki 2000. Kaasoo ahaa in xoojinta awoodda haweenka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Somalia, Muumina Sheekh oo iyadana uga mahad-celisay AMISOM iyo Ururka Midowga Afrika taageeradooda joogtada ah ee ay ku caawinayaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo intaa ku dartay in shirkaan uu u yahay muhiim sidii gacan looga siin lahaa haweenka ka qayb-galka sugidda amniga dalkooda hooyo.
“Haweenka Soomaaliyeed kama Nabad-galayaan dhibaatooyinka ay Xag-jiriintu geystaan; sidaa awgeed waxaa la doonayaa inay xalka qayb ka noqdaan,” ayay tiri Muumina Sheekh.
Ugu dambeyn, kulankaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa saraakiil ay ka mid ahaayeen; ku-xigeenka madaxa xafiiska saadka iyo kaalmada ee AMISOM, Jen. James Nakibus Lakara iyo taliye ku xigeenka booliiska AMISOM, Christine Alalo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)



