Sabti, December 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siiaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xafiiska Hargeysa wafdi wasiirro ah oo ka socda Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dalka ku sugnaa maalmahan.
Warbixin kasoo baxday xafiiska madaxtooyadda ka soo baxay ayaa lagu sheegay kualnkan, isa markaana madaxweynaha iyo weftiga isbarasho ku yeesheen xafiiskiisa.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa wefdigaan uga mahad-naqay Socdaalka ay ku joogaan Somaliland, ka Xukuumad ahaanna ay soo dhaweynayaan wasiirada & xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dowladood ee jaarka wanaagsan uu ka dhexeeyo iyo walaaltinimadu ka dhaxayso.
Weftigana uu u hadlay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI, Khadar Cabdi Ismaaciil oo isna ku hadlaayey afka weftiga uu hoggaaninaayay ayaa ka mahad-naqay sida sharafta iyo karaamada leh ee dowlad iyo shacab-ba loogu soo dhaweeyey Somaliland, waxaanu balan-qaaday marka uu dalkii dib ugu noqdo in uu ka shaqayndoono sidii ay u dar-dar-gelinta is-dhaafsiga ganacsiga oo markii hore u badnaa uun mid ka soo gala dhinaca Itoobiya, balse ay hada xooga saari doonaan sidii ganacsiga Somaliland ee kalluunku ugu horreeya uu ku gaadhi lahaa Itoobiya, isaga oo madaxweynaha ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay ku dheehan tahay waayo aragnimada aad ku hoggaamisay dalka muddadii aad xilka haysay ayuu yidhi wasirku, waxanan kugu hambalyeynaynaa go’aankii aad ka qaadatay markii aad sida geesinimada leh u buuxisay xilalkii ay ka tageen wasiiradii hore uga tegay xukuumada ayaa lagu yidhi qoraalkaasi madaxtooyada ka soo baxay.
Ugu dabeyn, waxaa kulanka soona xiray madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo oo yiri. “Waxaan idin kugu hambalyeynayaa xuska maalinta Qomiyadaha waddanka Itoobiya ee aad jaaliyaddiina halkan ku dhaqan kala soo qayb-gasheen.Sidoo kale, waxaan idiinku bogaadinayaa nabad-gelyada, horumarka iyo is-bedelka nololeed ee aad ka hir-galiseen dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo dib u dhac xoog lihi ka muuqday xilligii hore”.
Wuxuunu intaa raaciyay. “Xukuumadda aan madaxda ka ahay waxa ka go'an inay xoojiso xiriirka iyo wada-shaqaynta waddanka aanu deriska nahay ee Ethiopia, gaar ahaan dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee aad ka tirsan tihiin.”
Si kastaba ha ahaatee, wafdigaan wasiirrada ka kooban ayaa dalka u yimid sidii ay uga soo qaybgai lahaayeen xuska maalinta Qowmiyadaha Itoobiya oo ay kua ciidayeen Jaaliyadda ka joogta Somaliland.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland






