Sabti, December 12, 2015 (HOL) — Hay’adda samafalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo ka howlgala Somalia ayaa Qoxootiga kazoo cararay dagaallada dalkooda ka socda ee Yemeniyiinta oo haatan kuna nool degmada Shangaani ee Muqdisho gaarsiisay deeq isugu jirtay noocyo kala duwan; sida dhar, kabo iyo boorsooyin.
Deeqdan ayaa waxaa lagu wareejiyey Qunsulka Yaman u jooga Somalia; iyadoo ay Goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adda HARO, xildihaanno ka tirsan baarlamaanka FS, mas'uuliyiin ka tirsan safaaradda Yaman ay ku leedahay Somalia oo uu ku jiray danjiraha.
C/qaadir C/raxmaan Khaliif oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda HARO oo goobta hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqdan iyo halka ay ka timid, isagoo hadalkiisa ku yiri. “Deeqdan waxaa soo dhiibayn walaalaha maslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan, Suuqa Karmel iyo Masaajidka Karmel oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Qunsulka dalka Yaman u fadhiya Soomaaliya, ayaa u mahad-celiyay mar hore hay’adda HARO iyo walaalihii Soomaaliyeed ee kaalmadaan soo dhiibay, isagoo xusay in deeqdaan ay ku soo beegantay xilli baahi weyn oo dhinaca dharka ah ay qabaan Qaxootiga Yemeniyiinta ah ee ku sugan Muqdisho.
Xidhibaan Ibraahim Jaamac Dey-fullaahi oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa isagana goobta ka sheegay inuu u mahad-celiyo hay’adda HARO oo uu sheegey inay tahay hay’ad lagu yaqaano amaano; isla markaana wixii deeq ah ee lasoo dhiIbo dadka soo gaarsiisa.
Mas’uuliyiintii kale ee halkaas ka hadlay ayaa u duceeyay Walaalahii gacanta ka geystay soo ururinta deeqdan, sida Sheekh Xasan Carab oo ah madaxa Masaajidka Karmel, Safiya Maxamed Cali, Caabiya Ciise, Maxamed Cali, waxayna mas’uuliyiintaas ka hadlay goobta ay si gaar ah ugu duceeyeen Safiya oo ay EEBBE uga baryeen inuu caafiyo, waxaana sidoo kale iyagana u duqeeyay dadkii loo qaybiyay deeqdaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)