Xeer-ilaaliyaha Guud oo soo jeediyay in la dhiso gudiga Madax-banaan ee la-dagaalanka Musuqa


Sabti, December 12, 2015 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la magacaabo guddi madax-bannaan oo la-dagaallama musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu Dr. Axmed Cali Daahir ka sheegay dood ka baxaysay Idaacadda dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa uu suuro-gelinayo ka hor-tagga musuq-maasuqa ka dhex-jira hey’adaha dowladda Somalia iyo in cadaaladda la horkeeno ciddii musuq lagu helo.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa intaas ku daray in guddigan uu horseedi dooni in wax walba lagu dhaqo cadaaladda, wuxuuna ku baaqay in hay’adaha xukuumadda federaalka Somalia ay xoogga saaraan in musuq-maasuqa lala dagaalammo.

“Hay’adaha ka shaqeynaya ama baaraya arrimaha la xiriira musuq-maasuqa waxaa muhiim ah inay noqdaan kuwa ka madax-banaan hay’adaha dowladda, sharciga inay raacaan. Wax-yaabaha kale ee u baahan in la sameeyo waxaa ka mid ah guddi madaxa-banaan oo musuq-maasuqa la dagaallama, waxaa kaloo muhiim ah in la sameeyo gudiga madaxa-bannaan ee garsoorka,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Axmed Cali Daahir.

Hey’addaha Dowladda FS ayaa horay waxaa uga dhex-jiray dhaliil ku aadadn inay musuq-maasuq ku kaceen, inkastoo aysan jirin cid loo xukumay ama sharciga la horkeenay.

Ugu dambey, Soomaaliya ayaan lahayn Guddiyo la-dagaallama musuq-maasuqa, Waxayna safka hore Sannadihii lasoo dhaafay ay kaga jirtay waddamada ugu Musuq-maasuqa badan caalamka. Inkastoo madaxda dowladdu ay arrintaas si adag u beeniyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya