Jimco, Ogoosto 21, 2015 (HOL) — Kumannaan Shacab ah ayaa Maanta isugu soo baxay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho; kuwaasoo u dabaal-dagayay Sannad-guuradii 1-aad ee kasoo Wareegtay Aasaaskii Warshadda Cabitaannada Soomaaliyeed ee SODA KING.
Arroonimadii hore ee maanta ayaa Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo toosay Buufin weyn oo aan horey loogu arag dalka oo Dul-heehaabayay Muqdisho, kaas oo markii hore dul-maray magaalada, kaddibna wuxuu dul-joogsaday halkii ay ka socotay munaasabaddii loogu dabaal-dagayay Aasaaskii Warshada Soda King.
Warshada Soda King waa Warshadda keliya ee soo saarta cabitaanno dabiici ah; kuwaasoo laga sameeyay miraha dalka kasoo baxa, iyadoo Warshaddu ay sidoo kale leedahay Sadax Qaybood oo kala ah:
QAYBTA 1-AAD: Soda Kign oo samaysa cabitaannada Gaaska/Aashitada leh ee kala ah; Orange, Lemonade, Strawberry, Mixed Berry, Apple iyo King Cola.
QAYBTA 2-AAD: ayaa ah Qaybta biyaha AQUA KING oo samysa biyaha kala ah: Aqua King still (Aqua King Mineral water), Aqua King sparkling (Aqua minerale gazatta) Aqua King sparkling Strawberry, Aqua King Limon and Lime.
QAYBTA 3-AAD: Qaytan oo loo yaqaan JOOZ ayaa sameysa Cabitaannada laga sameeyo Cambaha, Zaytuunka iyo Qudaarta kale ee dalkeenna ka baxda.
Maamulaha Warshadda SODA KING, Axmed Sh. Yuusuf Guuleed oo ka Warbixinayay Waxyaabihii u Qabsoomay Sannadkii ay Warshaddu jirtay ayaa sheegay inay ku fideen guud ahaan dalka Soomaaliya; isla markaana ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmeen Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Warshadda Soda King ayaa ah Warshadda kaliya Sameysa Cabitaanno Dabiici ah; waxayna leedahay Shahaado loo yaqaan BRC ee u suuro-galinaysa in Wax-soo-saarka Warshadda lagu iibin karo Waddamada Europe iyo Mareykanka, laakiin illaa hadda Wax-soo-saarka Warshaddu gaarsiisan yahay dalalka Soomaaliya dariska la ah sida Itoobiya iyo Kenya.
Mas’uuliyiinta Warshadda ayaa xusay inay baajiyeen Lacagihii Qalaad ee dalka dibdadiisa Wax looga soo iibin jiray, Isla markaana Dhallinyarada Fara badan oo Soomaaliyeed ay u abuureen shaqooyin.
Ugu dambeyn, Warbaahinta Caalamka ayaa si ah maanta uga hadlay Horumarka iyo dalka gudihiisa ka sameysay Warashadda SODA KING iyo guulaha ay ku tallaabsatay muddadii halka sano ahayd ee ay jirtay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)