Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo Xalay Weerar ku Qaaday Deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo


Jimco, Ogoosto 21, 2015 (HOL) — Xoogag ka Tirsan Al-shabaab xalay Weeraray Saqdii Dhexe Deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo oo ku dhaw Soohdinta ay Wadaagaan Dalalka Somalia iyo Kenya.

Weerarkan ayaa lagu dilay taliyihii ciidamada Dawladda Somalia ee Gariley; iyadoo dhawr gaarina lagu gubay; sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq oo ay Garileey ka tirsan tahay, Ibraahim Guuleed Aadan.

“A-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe soo weerartay deegaanka, iyagoo toogasho ku dilay Taliyihii ciidamada, Saddex gaarina gubay,” ayuu yiri Ibraahim Guuleed oo la hadlayay Idaacadda BBC-da .

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Ceel-waaq ayaa hadalkiisa raaciyay inaysan jirin wax khasaare kale oo ka dhashay weerarka, isagoo Xusay in ciidamadii ku sugnaa Deegaankaas ay aadeen degmada Baardheere, Al-shabaabna ay taas ka faa’iideysteen.

“Xoogaggii Al-shabaab Waxay Weerareen Ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa afaafka deegaanka, Alle amarkiisna markii xabbadu billaabatay ayay xabbadi ku dhacday taliyaha halkaas ayuuna ku dhintay, iyagoo markaas kaddib gubay saddex gaari oo goobtaas yaallay,” ayuu Guddoomiyuhu intaas ku daray.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Degmada Ceel-waaq ayaa intaas ku daray inay Ciidammo u direen deegaanka Gariley si ay amniga u sugaan, loona xabaalo taliyaha weerarkaas lagu dilay. Isagoo aan sheegin magaca sarkaalka la dilay.

Ugu dambeyn, mar la Weydiiyay tirada ciidamada soo weeraray deegaanka Gariley, isagoo ku jawaabay in xoogagga Al-shabaab aysan tiradooda ogeyn, maadaama xilliga uu habeen ahaa, ciidanka badanna aysan deegaanka joogin; isagoo xusay inay iyagu hadda deegaanka gacanta ku hayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay weerarkaas ayaa Sheegay inay Deegaanka Gariley ku dileen Taliyihii Ciidamada, sidoo kalena ay ku gubeen laba Gaari, mid kalena ay soo kexeysteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya