Daraasad ku saabsan faa’iideysiga Kheyraadka Dhulka oo laga bixiyey Jaamacadda Banaadir (SAWIRRO)


Jimco, Ogoosto 21, 2015 (HOL) — Khabiirro Somali ah ayaa xarunta Jaamacada Banaadir ee Muqdisho ka bixiyay casharo la xiriira barashada iyo ka faa'iideysiga kheyraadka dhulka noocyadiisa kala duwan.

Dhegeysiga Casharkan oo xiise lahaa ayaa Waxaa ka Qayb-galay Maamulka Jaamacadda Banaadir, macallimiin, masuuliyiin ka socotay xukuumada Somalia, aqoonyahano iyo arday isku diyaarineysa iney wax ka bartaan kuliyadda Cilmiga kheyraadka dhulka (Geo-Science) ee Jaamacaddan iyo marti sharaf kale.

Casharkan ayaa qeyb ka ah seminaarada sanad walba xiliga fasaxa ay Jaamacaddu u qabato ardayda wax ka barata kuliyadaheeda kala duwan (Sumer Seminars), waxaana bixiyey casharkan khabiiro Soomaaliyeed oo ku taqasusay kheyraadka dhulka, kuwaasoo kala ah Hormuudka kulliyada cilmiga kheyraadka dhulka ee Jaamacadda Banaadir Ing. C/qaadir Abiikar iyo Dr. Xasan Cali Xuseen oo la taliye u ah shirkadda shidaalka ARAMCO ee ka howlgasha magaalada Dhahran ee wadanka boqortooyada Saudia Arabia.

Labada khabiir ayaa si qoto dheer uga waramay sida loo soo saaro, loogana faa’iideysto kheyraadka dhulka sida, Gaaska, Batroolka iyo noocyada shidaalka, macdanta, dhagxaanta qaaliga ah, dheymanka, dahabka iwm, waxayna xuseen baahida loo qabo sidii loo heli lahaa aqoonyahano Soomaaliyeed oo barta cilmiga kheyraadka dhulka maadaama aqoonyahanadii horey u bartay oo markii horeba tiro yaraa ay da’doodu sii weynaatay.

Khabiiradan ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey kheyraadka illaa hadda la ogaaday inuu ku jiro Soomaaliya gaar ahaan shidaalka iyo noocyada kala duwan ee macdanta, waxayna xuseen in shirkado badan ay isku dayeen sahminta iyo soo saarida kheyraadkaas balse illaa hadda wax badan aysan ka suuraggelin duruufaha dalka ka jiray awgeed.

Ardayda soo xaadirtay dhegeysiga casharkan ayaa khabiiradan weydiiyey su’aalo ku saabsan mowduucan, iyadoo Ing. C/qaadir Abiikar uu si kooban uga jawaabay su’aal xiise gooni ah leh oo aheyd, waxa ka jira warar ay dadku isla dhexmaraan oo sheegaya in dhulka uu ku fadhiyo masjidka Isbaheysiga islaamka ee Muqdisho uu Ceel shidaal ku yaalo, wuxuuna Ing. Abiikar sheegay in wararkaas ay yihiin been abuur aan waxba ka jirin.

Maareeyaha guud ee wakaalada Batroolka ummada Xuseen Cali Axmed oo seminaarkan ka hadlay ayaa ka waramay diyaarinta sharciga shidaalka dalka oo uu sheegey inuu hor-yaallo golaha wasiirada, loona gudbin doono baarlamanka si loo ansixiyo, wuxuuna ku dheeraaday muhimada uu sharcigan u leeyahay dhibaatooyinka dhinaca shidaalka ee ka jira dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo biyaha ee xukuumada Somalia oo isna halkaas ka hadlay ayaa Jaamacada Banaadir ugu hambalyeeyey ugana mahad celiyey kuliyadda cilmiga khayraadka dhulka & faa’iidada ay u leedahay horumarka dalka iyo dadka, wuxuuna xusay in Somalia ay aad ugu yar yihiin dad khabiiro ku ah howlaha soo saarka batroolka iyo macaadiinta kale, aqoonyahanada ka soo baxa kuliyadana ay howl badan u taalo.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna kulankan hadal kooban ka jeediyey ayaa khabiirada uga mahad celiyey casharka qiimaha badan ee ay ka jeediyeen Jaamacadda, wuxuuna xusay in kuliyadda Cilmiga iyo kheyraadka dhulka ay tahay kuliyaddii ugu horeysay nooceeda ee xiligan dalka laga hirgeliyo, ayna aasaaskeeda ku dhalatay maamulka Jaamacadda ka dib markii ay ogaadeen baahida shacabka Soomaaliyeed u qabaan aqoonyahano noocan ah.

“Waxay nagu qaadatay aasaaska kuliyaddan muddo labo sano ka badan, waxaana rajay-naynaa iney ka soo baxaan aqoonyahano ka qeyb qaata soo saarida kheyraadka kala duwan ee dalkeena, waxaana soo dalbaday kuliyadan arday badan welina wey socotaa diiwaan gelinta” ayuu yiri Dr. Dalmar oo balan-qaaday in Jaamacadu dedaal badan gelin doonto sidii ay u xoojin laheyd aqoonta ardayda wax ka barata.

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid  ah aasaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacadda Banaadir oo gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in Somalia ay leedahay kheyraad badan oo uu ALLE ku maneystay, kuwaasoo jahli awgeed sidii loo baahnaa aan looga faa’ideysan, wuxuuna u rajeeyey ardayda ka soo bixi doonta kuliyadda Geo-Science iney kalintaas buuxin doonaan.

Ugu dambeyn, Jaamacada Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha xiligan dalka ka jira ayaa waxaa si habsami leh uga socda seminaarada xiliga fasaxa kuwaasoo ujeedaddoodu tahay sare u qaadida aqoonta ardayda wax ka barata kuliyadaha kala duwan ee jaamacadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya