Al-shabaab oo weerartay xarumaha ciidanka dowlada & AMISOM ee Baraawe


Jimco, November 14, 2014 (HOL) — Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen duleedka degmadaas oo bishii hore laga qabsaday Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshay xaalada guud ee degmada Baraawe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baraawe ayaa sheegay in rasaas iyo hub kale oo culus ay labada dhinac is-dhaafsadeen, taasoo shacabka argagax ku beertay, inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo rayidka soo gaaray.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ee Baraawe ku sugan ayaa u xaqiijiyay saxaafadda in Al-shabaab ay soo weerartay saldhigyadooda, balse ay iska difaaceen, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha dhimasho iyo dhan dhaawac ee dagaalka ka dhashay.

Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay xalay weerar culus ku qaadeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, ayna khasaare xooggan u geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, inkastoo aysan carrabka ku dhufan tirada dadkii wax ku noqday.

Xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa dib u laabtay, iyadoo ay saldhigyadiina weli ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo AMISOM, iyadoo dagaalkan uu imaanayo iyadoo shalay duleedka degmadaas lagu weeraray taliyaha guutada saddexaad ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Goobaale.

Degmada Baraawe oo 200-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa waxay muddo lix sano ah saldhig weyn u ahayd Al-shabaab, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen bartamihii bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya