Jimco, November 14, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siidii) aya sheegay inuu hakadka ku yimid howlgalkii Badweynta Hindiya, kaasoo ahaa wajigii labaad oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku doonayeen inay deegaannada ay ku harsan tahay Al-shabaab kaga saaraan.
Siidii ayaa sheegay in hakadkan uu ku yimid isku xir la’aan ciidank, isagoo xusay in howlgalka qaybtii gobol ahaan ay ku lahaayeen ay dhameystireen, isla markaana ay ahayd in xuduudda Jubadda Dhexe la isku yimaado.
“Dhankeenna howlgalka qaybtii aan ka lahayn inta badan waa dhameynay guulo ayaana ka gaarnay, marka waxaa laga sugayaa AMISOM qaybteeda Itoobiya iyo Kenya inay soo dhaqaaqaan oo si ay ugu kulmaan xuduudda gobolka Jubbada Dhexe,” ayuu yiri Siidii.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubba, Kenya iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM aanay isku xirnayn, isla markaana la doonayay inay gobolka Jubbada Dhexe u soo dhaqaaqaan, ayna tani tahay arrinta ugu weyn ee laga sugayo, si howlgalka isugu xirmo.
Sidoo kale, C/qaadir Siidii ayaa ku eedeeyay Al-shabaab inay shalay gubeen gaari caasi ah oo qaad u siday degmada Baraawe, isagoo ku eedeeyay Al-shabaab inay beegsadaan shacabka.
Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa horay u sheegay in howl-galka Badweynta Hindiya uu qorshihiisu yahay in guud ahaan dalka laga saaro Al-habaab, iyadoo bishii hore Al-shabaab laga qabsaday magaalooyin muhiim u ahaa sida degmada Baraawe.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaa weli ka talinaysa deegaanno badan oo dalka ka tirsan, iyadoo gobolka Jubbada dhexe uu yahay gobolka kaliya ee ay si buuxda u maamusho Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya