Ciidamada Sirdoonka dowladda oo Qabtay Hub iyo Gaari dilal lagu Fulin jiray

Jimco, November 14, 2014 (HOL) — Ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay guri ku yaal degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, ku qabtay hub iyo gaari loo adeegsan jiray dilalka qorsheysan, sida uu afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf u sheegay warbaahinta.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay inuu ka dhashay xog ay ciidamadu si hoose ku heleen, waxaana saraakiisha hay’adda nabadsugidda ay sheegeen in guriga xalay la galay uu ahaa mid dilalka qorsheysan ee laga fuliyo Muqdisho iyo qaraxyada laga soo abaabuli jiray.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in howlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay oo u dhacay sidii loogu talo-galay, isagoo xusay in laga soo saaray gurigaas gaari Toyoto Surf ah oo uu sheegay in lagu fulin jiray dilalka qorsheysan iyo sidoo kale hub iyo waxyaaabaha qarxa.

“Gurigan hubka iyo gaadiidka laga helay dowladda ayaa la wareegtay, hubkii laga helayna waxaa ka mid ahaa jaakadaha qarxa iyo waxyaabaha kale ee laga sameeyo qaraxyada, kuwaasoo qaarkood la diyaariyay lana doonayay in maalmo dhow lagu weeraro magaalada. Gaariga muddo fog ayaa ku raad-joognay waxaa horay loogu fuliyay dilalka illaa afar xildhibaan oo ay ka mid ahaayeen; Xeyd iyo Saado,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Sidoo kale, afhayeenka oo sii halayay ayaa sheegay in ciidamada ay guriga ka heleen boorsooyinka dumarka qaataan oo waxyaabaha qarxa ay ku jiraan iyo warqad dardaaran ah oo uu qoray nin qorsheynayay inuu qarxiyo, iyadoo uu sheegay in lagu qabtay afar qof oo midi ay dumar ahayd.

Maxamed Yuusuf ayaa xusay in ninka gurigu u kireysnaa lagu magacaabo, Maxamed Ibraahim; isagoo xusay inuu hubka u hayay Al-shabaab, laakiinse uusan isagu ka mid ahayn Al-shabaab, hawaanna maxkamad lasoo taagayo. Baabuurka oo rasaas badani ka muuqato iyo gurigana lala wareegay.

Shacabkii ku noolaa xaafadda howlgalka laga fuliyay ayaa sheegay inay soo gaareen ciidammo badan xaafadda, ka hor intii aan howlgalka ka fulin, kaas oo ay sheegeen inuu ahaa mid si nabadgalyo ah u dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay weerarro lagu dilay saraakiil ka tirsan dowladda iyo shacab ay ka dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya