Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa maanta gelinkii dambe toogasho ku dilay Ugaaskii beesha Cawramale, Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow.
Dilkan ayaa sida la sheegay waxaa fuliyay laba nin oo baastoolado ku hubeysnaa, waxayna ugaaska ku toogteen xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda Via Afmadow.
Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa wuxuu kamid ahaa madax-dhaqameedkii wax ka dhisay maamulka Jubba ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), wuxuuna kamid yahay salaadiinta sida weyn looga yaqaan gobollada Jubooyinka.
Dilka ugaaska kaddib ayaa waxa goobta gaaray ciidamada ammaanka maamulka KMG ah ee Jubba, waxayna xaafadda uu dilku ka dhacay ka sameeyeen baaritaanno muddo kooba socday.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka KMG ah ee Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo la hadlay warbaahinta baaritaannada kaddib ayaa sheegay in labadii nin ee dilay ugaaska gacanta lagu soo dhigay, lagu soo qabtay baaritaanno ay ciidamada amnigu sameeyeen.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in labadaas nin ay ka mid ahaayeen Al-shabaab ayna horkeeni doonaan xilliyada soo socda sharciga, isagoo intaas ku daray in cid walba oo fal dil ah ka geysata magaalada Kismaayo lasoo qaban doono sharcigana la horgeyn doono.
Ugaaskan ayaa noqonaya kii labaad ee lagu dilo Kismaayo tan iyo intii xarakada Al-shabaab lagala wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo, iyadoo 16kii bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay qarax xooggan gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay Ugaaskii beesha Gilimeys Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya