Mashruucan oo ay si wadajir ah isula wadaan dowladda Puntland iyo kooxo dhallinyaro ah ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland Dr. Saadiq Eenow.
Madaxa waaxda ka-hortagga Malaariyada ee wasaaradda Mukhtaar Maxamed Jaamac ayaa ugu horreyn goobta ka hadlay, wuxuuna sharraxaad ak bixiyey mashruucan iyo sida uu uga qayb qaadan karo dhimista heerka cudurka Malaariyada ee magaalada Boosaaso.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Mukhtaar ayaa sheegay in ay jiraan siyaabo badan oo lagu yareeyo taranka kaneecada, kuwaasoo ay kamid tahay in kalluun yaryar lagu beero baraagaha ay dadku biyaha ku kaydsadaan si uu u laayo ugxanta kaneecada.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenow ayaa dhankiisa u mahadceliyey dhallinyarada iyo sida ay isugu xil-qaameen samaynta tijaabadan, wuxuuna sheegay in dowladdu ay qayb libaax ka qaadan doonto sidii tijaabadan looga gun gaari lahaa.
Tijaabadan ayaa ah tii ugu horreysay oo laga sameeyo Soomaaliya muddo 20 sano ka badan, waxayna qayb ka tahay dadaalka xooggan ee Dowladda Puntland ay ugu jirto la-dagaalanka cudurka Malaariyada oo todobaadyadii u dambeeyey fara kulul ku hayey magaalada Boosaaso iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bari.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya