Isniin, Maarso, 24, 2014 (HOL) --- Ciidamada
dowladda Soomaaliya oo
wehliyaan kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya ayaa saacadihii ugu
danbeeyay la wareegay deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.
Ciidamada is baheysanaya oo labadii cisho la soo
dhaafay dhaq-dhaqaaqyo militari iyo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka waday
qeybo ka mid ah gobollada dhexe, ayaa u suurtagashay in ay la wareegaan
gacan ku heynta deegaannada God-dhurwaa, Ceel-garas iyo Ceel-La-helay oo ka
wada tirsan degmada Ceelbuur.
Saraakiil qeyb ka ah howlgalka ayaa warbaahinta
u sheegay in ciidamada is baheysanaya si nabad-galyo ah ula wareegeen
deegaannadaas oo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.
Howlgalka ciidamada ayaa la sheegay in uu ku
wajahan yahay degmada Ceelbuur oo ah saldhiga ugu ballaaran ee Al-shabaab
ay ku leeyihiin waqtigan gobollada dhexe, kadib markii dhawaan
lagala wareegay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale dhaq-dhaqaaqyo militari ayaa ka
soconaya deegaanno ku dhaw dhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah
degmooyinka gobolka Hiiraan ee wali ku jira gacanta Al-shabaab.
Is ballaarinta ay sameynayaan ciidamada dowladda
iyo AMISOM ee gobollada dhexe ayaa ku soo beegmaya xili khilaaf xoogan uu soo
kala dhax-gallay maamulka Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.