Maamulka KMG Jubba oo soo Dhaweeyay Heshiiskii Maamulladii Baydhabo

Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Maamulka KMG ee Jubba ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay maanta magaalada Muqdisho ku kala sixiixdeen dhinacyadii maamullada kala duwan uga dhawaaqay magaalada Baydhabo, iyadoo ay dhinacyadaasi isku raaceen in ay si wadajir ah u dhistaan maamul ka koobnaan doona sedex gobol.

Shir ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya oo mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho islamarkaana ay kasoo qeybgaleen odoyaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa maanta guul kusoo dhamaaday kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay in ay heshiis dhex dhigto dhinacyadaasi.

Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan heshiiska ay gaareen dhinacyadaasi, isagoo xusay in maamulkoodu uu taageeri doono sidii ay maamuli u heli lahaayeen sedexdaasi gobol.

Mr. Seeraar ayaa sheegay in laga gudbay xilligii is-qab-qabsiga islamarkaana ay tallaabo wanaagsan tahay in wadahal lagu dhameeyo wixii kala aragti duwanaan ah ee jirta.

Mas’uulkan ayaa dhinaca kale sheegay in maamulkooda uu cambaareeynayo xiisadaha ka aloosan gobolka Sh/hoose, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay is laayaan.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay sharci darro tahay in hub dowladeed loo isticmaalo dagaal beeleed, wuxuuna dowladda usoo jeediyay in ay ariamahaasi wax ka qabato.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya