Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Waxaa soo gabagaboobay tartankii 7aad ee horyaalka kubadda cagta gobollada Puntland.
Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee shalay ka dhacday garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe, waxay dhex martay xulalka gobollada Nugaal iyo Sool.
Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo madaxweyne ku-xigeenku uu kamid ahaa iyo kumannaan dadweyne ah ayaa daawashada ciyaarta kasoo qayb-galay.
Waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta ayaa kusoo idlaaday bareejo eber iyo eber ah. Ugu dambeyntiina waxay rikooreyaal 5:4 ah guushu ku raacday xulka gobolka Nugaal.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha C/xakiim C/laahi Camey, oo isagu kooxda kuulaysatay iyo tan laga guulaystayba koob iyo billado guddoonsiiyey, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay goobta ka jeediyey.
Wuxuuna ku dheeraaday muhiimadda ciyaaraha iyo kaalinta ay ka qaataan xoojinta ammaanka iyo weliba is-dhex-galka bulshada, isagoo dhanka kale xusay in maamulka xilligan ka jira Puntland ay ka go'an tahay in la horumariyo ciyaaraha.
Xulka gobolka Nugaal oo kamid ah kuwa ugu adag dhammaan gobollada Puntland, wuxuu sidan oo kale sanadkii hore ugu guuleystey horyaalnimada tartanka heerka koowaad ee kubadda cagta gobollada Puntland.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya