Danjire Nicholas Kay oo oo soo dhaweeyay heshiiska maamullada Baydhabo

Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay maanta gaareen maamuladii horay looga dhawaaqay Baydhabo, kuwaasoo ku heshiiyay inay ku midoobaan hal maamul oo lagu magacaabo maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa dowladda Soomaaliya, taageerayaasha laba maamul oo kala duwan ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho, waxayna isku af-garteen inay sameystaan maamul cusub oo ka kooban gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska lagu dhisayo maamul cusub oo ah maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, iyadoo la raacayo dastuurka Soomaaliya. Waxaana u hambalyeynayaa dhammaan dhinacyada heshiiskan wada-galay sida ay uga go’an tahay inay helaan xal loo marayo wadahadal nabad ah iyo wada-xaajood dulqaad leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka ayna xaqiijiyaan in si deg-deg ah loo dhiso maamul loo wada dhan yahay. Dowladda Soomaaliyana waa inay sidoo kale sii waddo wadatashiga ay la leedahay odayaasha bulshada iyo dadka deegaanka ee ay arrintu quseyso si loo xaqiijiyo in arrimaha weli harsan wax laga qabto loona qabto si loo wadajir ah oo dib-u-heshiisiin ah,” ayuu yiri dajire Kay.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Heshiiska maanta waa tallaabo muhim ah ee horay loo qaaday Soomaaliyana ay ku gaarayso nidaamka federaalka.  Waxaan dhammaan dhinacyada ugu hambalyaynayaa heshiiska waxaana ku han-weynahay inaan la shaqeeyo maamulka cusub iyadoo la raacayo heshiiska higsiga cusub ee Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, danijre Nicholas Kay ayaa sheegay in heshiiskan uu jidka u furayo amniga oo hagaaga iyo olole dagaal oo wax-tar leh oo ka dhan ah Al-shabaab oo la qaado.  Qaramad Midoobay ayuu oo goobjoog ka ahayd heshiiskii maanta, ayuu sheegay inay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada nabadeynta iyo maamul dhisidda ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay C/fataax Geeseey iyo Max’ed Xaaji Cabdi Nuur (Mad-deer) iyadoo laga dalbaday inay muddo 30-maalmood ah ku keenaan qorshaha lagu dhisayo maamulkan saddexda gobol ka kooban.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya